Wednesday, January 28, 2015

Xildhibaan Guurtida Ah Oo Xisbiyada Mucaaradka Kula Taliyey Inay Baraamij Waxqabad Cod Kaga Doonaan Bulshada Balse Aflagaado Waxba U Keenayn

Hargeysa 28 January, 2015 (Himilo)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac (Shaadh), oo ka tirsan gollaha Guurtida ayaa xisbiyada mucaaradka u soo jeediyey inay barnaamij waxqabad muuqda ku soo jiitaan shacabka Somaliland ee codka ay ka doonayaan, balse aflagaado iyo cay aanay meel gaadhsiinayn.

508050bc5eac3b807d5fa8da13caf391_LXildhibaanka ayaa Mucaaradka ku eedeeyay inaanay lahayn Khibrad Dawladdeed, sidoo kalena ay yihiin dad aan xilkas ahayn “Hadday Mucaaradku doorasho doonayaan, Xisbiyadoodu Barnaamij wax qabad ba ma laha. waxoodu waa Cay iyo Nac-nac iyo Fool xumo iyo fadqalalo 24-ka saacdood ay waddaan, markaa Niman doorasho doonaya maaha ee waa Niman doonaya inay meesha ku shaqaystaan oo Xisbi uun maqlay, laakiin Xisbigu kaas maaha waa Kulmiye oo kale, Madaxweyne doorasho doonayaana waa inuu Silaanyo oo kale noqdaa” ayuu yidhi XIldhibaan Shaadh.

Xildhibaan Shaadh waxa uu ka hadlay arrimaha doorashada “Madaxweynuhu wakhti buu qabtay oo maalin dhaafi mayso ayuu yidhi, taasina waa run oo waa xaqiiq. waxa weeye Madaxweynuhu shacbiyaddii iyo dadkiina wuu wataa, Waxqabadkiina wuu muujiyay, markaa maanta Madaxweynuhu ka warwari maayo doorasho” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “Laakiin, haddii farsamo dhacdo oo wax si ka noqdaan, Kordhin baa dhacaysa oo dawlad la’aani jiri mayso Guurtida ayaa kordhinaysa. kolkaa kuwan Mucaaradka ah iyaga Muddo kordhin ayaaba u wanaagsan oo ay doonayaan laakiin lama tartami karaan Madaxweyne Silaanyo. waa dad 24-ka saac waxaad ka naxdo mooyaane wax dalka wax u tarayaba aan Odhanayn, Dad xil kas ahna maba aha”

Xildhibaan Shaadh waxa uu Mucaaradka u soo jeediyay inay Doorashada u diyaar garoobaan, waxase uu amaanay Madaxweynaha oo uu tilmaamay in dhaliishii Mucaaradka ee Madaxweynuhu meesha ka baxday maadaama Madaxweynuhu safar dalka ku soo maray islamarkaana taasi muujinayso sida uu u caafimaad qabo.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment