Ciidamada gaarka ah ee Dalka Ingiriiska ka jooga Somaliya iyo qaar tababar sare qaba oo Soomaali ah, ayaa la sheegay inay fulin doonaan hawl-galkaas, iyadoo Zakariyena uu qaybtiisa qaadan Doono, maadaama oo sida ninkan hore uga tirsanaan jiray kooxda Al-Shabaab xogaha ku bixiyey muujinayaan inay haweenaydani ku dhuumaalaysanayo gudaha dalkaasi Soomaaliya.Xogta lagu soo qabanayo haweeneydan ee uu bixiyey Zakariye, ayaa waaxda sirdoonka Ingiriiska ku sheegeen mid muhiim u ah xagooda marka loo eego baadi goobka loogu jiro in la soo xidho haweeneyda.
“Tallaabo kasta oo suurtagelin karta soo qabashadeeda waa in si taxadar leh loo qaadaa, waxaa la rumeysan yahay in ay ku gedaaman yihiin ciidamo tababar xoogan haysta oo ay ku jiraan kuwa ismiidaamiya,” sidaa waxaa sheegay sarkaal ka mid ah sirdoonka Ingiriiska.
Zakariye Ismaaciil oo noqonaya masĂșulkii ugu sarreeyey ee ka soo goosta Xarakada Alshabaab, waxa uu ka mid ahaa madax ka tirsan Alshabaab oo dawladda Maraykanku dul-dhigtay lacago abaal-gud ah ciddii ka caawisa soo-qabashadooda, waxaanna uu iska dhiibay Ciidamo ku sugan gobolka Gedo ee Koofurta dalka somalia.
Dowladda Kenya ayaa dhowaan sheegtay in gabadhan la baadi goobayo ay u gacan-gashay kooxda Alshabaab wixii ka dambeeyey qaraxii ka dhacay London, waxaana ay sheegeen bileyska caalamiga ah ee Interpol inay ka codsadeen Dowladda Kenya in ay gacan ka geysato sidii loo soo qabashadeeda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment