
“Tan iyo markii xubnaha guddiga doorashadu ka soo noqdeen safar shaqo oo ay ku tageen dalka Kenya, waxay gudigu ku hawlanaayeen hawlaha culus ee horyaala oo ay ka mid tahay bixinta qandaraasyada diiwaangalinta codbixiyayaasha.
Guddigu waxay Nairobi ku soo af-jareen bixinta qandaraaskii adeega khubarada, waxaana ku guuleeystay shirkad maraykan ah oo la yidhaahdo CREATIVE.
Bishan January 6dii ilaa 15kii waxay guddigu dhameystireen bixinta qandaraaskii qalabka ee loo isticmaalayey diiwaangalinta, kaasoo ay ku guuleeysatay shirkad laga leeyahay dalka Denmark, oo la yidhaahdo ATEA.
Sidaad la socotaan wakhtigii ay hawsha la wareegeen guddiga doorashadu waxay ku beegantay muddo fasax lagaga jiray waddamada reer galbeedka, oo wada shaqayn naga dhaxeyso, Waxaana haatan sugaynaa jawaabta shirkadihii qandaraasyada helay inay ku soo aqbalaan muddada loo qabtay.
Waxaanu kale oo ku hawlaneen qorista shaqaalaha muhiimka ee hawlaha muhiimka ee shaqada komishanka looga maarmayn sida la-taliyaha dhinaca sharciga iyo madaxa maamulka shaqaalaha, waxaanu dhawaan bilaabaynaa shaqaalihii gobolada iyo degmooyinka ee arrimaha diwaangalinta.
Waxaanu dhawaan u bixi doonaa gobolada iyo degmooyinka dalka taasoo ay na raaci doonaan xubno ka tirsan axsaabta siyaasada dalka”.
Dhinaca kale ee war-saxaafadeedkan ayaa lagaga waramay kulan gaar ah oo ay manta wada yeesheen guddiga doorashada iyo axsaabta siyaasada waxaanu u dhignaa sidan:-
“Maanta waxaanu xarunta gudiga doorashooyinka kula kulanay xubnaha xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland, sidii aanu uga wada shaqayn lahayn qodobo muhiim ah oo la xidhiidha habka diwaangalinta muwaadiniinta”.
Waxaanu wakiilada xisbiyada kala hadalnay:
1. In komishanku dhameystiray bixinta qandaraasyada shirkadaha ajanebiga ah.
2. Safar ay dhawaan gali doonaan xubnaha komishanku iyo guddiga farsamo ee xisbiyada qaranka oo gobolada dalka oo dhan lagu maraayo.
3. In komishanku ku gudo jiro dhameystirka shaqaalaha xarunta iyo gobolada.
4. In laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa qorshe dhamaystiran oo suurta galiya diiwaangalin hufan.
5. In la joogteeyo kulamada shaqo ee komishanka iyo xisbiyada qaranka.
Allaa Mahad Leh.
Guddiga komishanka doorashooyinka qaranka ee Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment