Wednesday, January 28, 2015

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Hawlgal Cusub Oo Lagu Cidhibtirayo Dhibaatooyinka Dhalinyaradu Ka Geystaan Magaalooyinka

“Waxaan ku amrayaa Saraakiisha xukuma fadhiyada Booliska inay Tilifoonadoodu furnaadaan oo ay u dhaga-nuglaadaan qofkasta oo reer Somaliland ah,”Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan

Hargeysa 28 January, 2015 (Himilo)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan,  ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo ciidanka boolisku kor ugu qaadayaan hawshii illaalinta aminga oo la magac baxay  Hawlgalka Guusha, oo noqonaya hawlgal si joogta ah Maalin iyo Habeen ay ciidanka boolisku ku gudo jirayaan, isla markaana waxa uu ku amray saraakiisha xukuma fadhiyada Booliska inay Tilifoonadoodu furnaadaan oo ay u dhega nuglaadaan qofkasta oo reer Somaliland ah.

fadalTaliyaha Fadal oo warbaahinta la hadlay shalay galab, kadib Kulan uu la yeeshay saraakiisa sare ee ciidanka booliska ayaa waxa uu yidhi:- “Taliye-ku-xigeenka ciidanka Booliska, Hogaamada ciidamada, Saraakiisha kale,Taliyayaasha saldhigyada iyo Dablayda, Waxaan idiin xaqiijinayaa inay nabadgelyada Somaliland iyo ta Caasimadu-ba inay wanaagsan tahay, dhacdooyin way  dhacaan, laakiin nabadgelyada guud waxaynu ku jirnaa Al-xamdullilaahi Rabil Caalamiin oo waxaynu uga mahad-celinaynaa ILAAHAY iyo bulshada reer Somaliland oo gacan weyn ina siisa.”

Mar uu ka hadlayay Taliyuhu dhalinyaro ay ciidamadu soo qabqabteen iyo kuwo xukun ku dhacay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan halkan uga caddeynayaa bulshada reer Somaliland waxa had iyo goor la sheegaa kooxo dhalinyaro ah,oo isku dilaya koox-koox, kuwaas oo bulshada u geysta dhibaatooyin naf iyo maalba ah. Waxaan idiin sheegayaa in 24-kii sacadood ee u danbeeyey in Ciidanka booliska ee Caasimadu ay gacanta ku dhigeen 64-dhalinyaro ah, 25-ka mid ahna waxa lagu xukumay 5-bilood oo xadhiga (Shan bilood oo Xadhiga), annaga oo uga mahad-celinaynaa Xeer-illaalinta iyo Maxkamadda sidii degdega ahayd ee ay xukunkaasi u fuliyeen”.

Waxa kale oo intaasi ku daray “Dhalinyarada fidmo wadayaasha ah ee kooxaha u dagaalama waa dhaqan aad u xun, oo bulshada ku xun, oo sharciga ku xun oo Diinta ku xun, Waxaan halkan ka caddeynayaa inaanay jiri doonin wiil danbe oo xadhig loo iibinayo ama la ganaaxayo.oo qofku marka uu xumaanta geysto xabsiga ayuu ku qaadan doonaa, waxa kale oo aan halkan ka caddeynayaa oo la mida Tuugta waaweyn oo qaarkood ku jiraan kuwaa la xukumay, iyo mukhaadaraadka iyo wax kasta oo nabadgelyada khatar ku ah  inay ciidanka boolisku ay u yihiin dal jirayaal, naftooda u hurey habeen iyo maalinba u soo jeeda oo heegan u ah ammaana waan u soo jeedinayaa Ciidanka booliska ee Caasimada iyo guud ahaan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo heegan u ah ilaalinta nafta iyo maalka”.

Sidoo kale Taliye Fadal waxa uu iftiimiyey heerka ciidanka booliska ee illaalinta nabadgelyada “Waxa kale oo aan halkan ka caddeynayaa dhacdo way dhacdaa, waxa taala maxaa laga qabtay? Waxa la yidhi ‘Mayd maxaa u danbeeyey, kaa la sii sido, Xalay oo kale Gobolada dalka mid ka mida (Gobolka SOOL) laba qof ayaa midna lagu dilay midna lagu dhaawacay, abaaro saacadu markay ahayd 3:00 Habeenimo ee xalay ayaa Ciidanka boolisku labadii nin ee falkaasi geystay ay gacanta ku soo dhigeen.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Toddobaadkii la soo dhaafay falalkii ka dhacay Caasimada Hargeysa, haday yihiin dhalinyarada iyo haday yihiin kuwii toorida lagu dilay loo hayo saddex nin kii afraad ee maqnaana si fiican loo aqoonsaday oo sida ugu dhakhsaha baddan gacan loogu soo dhigi doono”

Taliye Fadal oo farriin waxa uu farriin u diray bulshada “Waxaan dadweynaha reer Somaliland u sheegayaa inay ciidanka booliska ay gacan buuxda ka siiyaan sidii ay horeba uga siinayeen….Waxaan ku amrayaa Saraakiisha xukuma fadhiyada Booliska inay Tilifoonadoodu furnaadaan oo ay u dhaga-nuglaadaan qofkasta oo reer Somaliland ah, waayo waxa uu boolisku u jooga oo uu u darban yahay, hawl ku soo dhacda, shaqada booliskuna malaha wakhti, Ninka booliska ah warkasta oo loo sheego waa inuu u qaataa war jira oo xaqiiqo ah oo uu ka hawlgalaa oo uu u dhaga nuglaadaa qofka muwaadinka ah,sidaad horeba ugu dhaga-nuglaydeen waa iga baraarujin”.

Taliyuhu wuxuu xusay in taliyayaasha saldhigyada looga baahan yahay inay bulshada xidhiidh dhow oo wada shaqayneed la yeeshaan, “Waxaan u sheegayaa taliyayaasha Saldhigyada sida uu sameeyey taliyaha Saldhiga Daloodho in bulshada xaafada laga sameysto dad sida aqoonyahanka, dhalinyarada Caafimaadka qabta, madax-dhaqameedka iyo guddiyada nabadgelyada xaafadaha in lala xidhiidho si ay hawshu u fududaato, waayo Soomaalidu waxay tidhaahda  ‘Far kaliyi fool ma dhaqdo”, cidda la doonayaa inay bulshada soo dhaweystaan waa ciidanka booliska oo ay hawshooda wada qabsadaan, waanay ka fududaanaysa hawshu marka taliyaha saldhigu la xidhiidho dadweynaha xaafadda uu ku nool yahay, waa arrin muhiima oo aan idinku boorinayo, oo aan idin farayo oo aan idinku amrayo,”

Taliye Cabdilaahi waxa uu ku dhawaaqay inay Ciidanka Booliska Somaliland ay bilaabeen hawlgalo cul culus, waxaanu yidhi“Hawlgalkan aanu galayno imika waxaan u bixiyay hawlgalkii “GUUSHA” mana joogsanayo oo habeen iyo maalinba ma kala laha, Subax malaha, Saq-dhexe malaha uu soconayaa. Waxaanan halkan digniin adag ka siinayaa Waalidiinta dhalay dhalinyaradaa haddii inankaa dhalinyarada ah ee Ciidanka boolisku yaqaano, ee ay bulshadu taqaano ee caadeysta ah haddii isaga la waayo meelkasta ha qabtee, waalidkiiba u xidhan oo u qoolan, waayo waalidku ma joogayo haddii ay wax ku dhacaan oo wax loo geysto… Meelaha Giimamka lagu ciyaaro ee loo aqoonsado inay nabadgelyada khatar ku yihiin waa la xidhayaa, Diiniyan ma wanaagsana, oo Caruurta ayuu akhlaaqda ka xumeynayaa, oo sharcigii ayay khilaafayaan, cidkasta oo lagu arko wax ka baxsan sharciga dawliga iyo Diinta Islaamka-ba ciidanka boolisku gacan bira ayay ku qabanayaan, waanan uga digayaa qolyaha Tiifiyada gaar ahaan meelaha Giimamka lagu ciyaaro.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment