Wadadda laamiga ee hor marta Saldhiga Dhexe Ee Degmada Sheekh ayaa oo la sheegay in maalmahii u dambeeyey burbur u geysanayeen dhalinayarada magaalada qaarkood, ayey xildhibaanada qaarkood u soo jeediyeen xukuumad adhexe iyo taliska ciidanka Booliiska inay wax ka qabtaan Taliyaha saldhiga Sheekh, maadama uu ka soo bixi waayey xilkiisii ilaalinta hantida dadka iyo dalkaba.


Xildhiban Cabdiwahaab Cali Xasan (Qarandi) oo isagu Fahfaahin ka bixiyay dayaca iyo burburka ka muuqda wadadda waxuu yidhi,
"Saxafadu way arkaysaa Wadadii hor mari jirtay Saldhiga Dhexe Degmadda Sheikh Ciyaal Yaryar Oo Reer Sheikh ah ayaa Maalin Kasta Dhagaxaan ku Qodaya Wadada Waxaanay Markasta Burburinayaan wadadii Hal-bowlaha ahayd,Taliyaha Saldhiga Dhexe, Waxaanu u Malaynaynaaba inuu isagu ka Danbeeyo Oo Uu Doonayo inay Magaladda Sheekh Noqoto Bilaa Waddo,Waxaan ugu Baqayaa Xukumada Dhexe iyo Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland-ba inay Talaabo Degdeg ah ka Qadaan Taliyaha Saldhiga Sheikh Aamin Maxe-d Cabdi Oo Runtii ilaa imika Waxba ka Qaban-Kari La’ Dhalinyaradda Burburinaysa Wadadii Halbowlaha Ahayd" Ayuu Yidhi Xildhiban Cabdiwahaab Cali Xasan (Qarandi) oo u waramay shabakada Hadhwanaag.
Xildhiban ibraahim Cumer Xasan (Fartaag) Oo isaguna ka Mid ah Golaha Degaanka Sheekh ayaa dhinaciisa isaguna naqdiyay Taliyaha Saldhiga Sheekh oo ku tilmaamay masuulkii ugu hooseeyey ee abdi soo mara Degmadda Sheekh, waxaana hadaladiisa ka mid ahayd,"Hadii aanu nahay Xildhibanadda Golaha Degaanka Sheekh dhowr jeer ayaanu Taliyaha Kala Hadalnay ilaa imika wax uu ka qabtayna ma Jirto,Waa Dhibaato kale Oo ku soo Biirtay Degmadda Sheekh ayaanu u aragnaa waayo Horaba Waxa uu Dayac Badani u Haystay Wadada u Dhaxaysa Burco iyo Sheikh Oo Aad u Burbursan" ayuu Yidhi Xildhiban Ibraahim Cumer
Dhinaca kale, wargeyska Himilo oo dhinaciisa isku deyey inuu wax ka weydiiyo eedaha loo soo jeediyey taliyaha saldhiga degmada Sheekh ayaanay u suurtoobin, ka dib markii telefoonkiisa gacantu uu xidhnaa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment