Saturday, January 24, 2015

Taariikh-nololeedka Boqorkii 6aad ee Dalka Sucuudiga oo geeriyooday iyo Madaxda dunida Islaamka oo Aaska ka qayb-galay

Boqorka Cusub oo Khudbaddiisii u horeysay Baaq ugu jeediyey Muslimiinta iyo Ballan uu Qaaday

Riyadh, 24 Jan, 2015 (Himilo)- Boqorkii Dalka Sucuudiga, Cabdalle bin Cabdulcasiis al-Sacuud, ayaa shalay lagu aasay xabaalo ku yaala duleedka Aqalka Boqortoyada dalkaas, kaddib markii uu habeen hore saqdii dhexe ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada Riyaadh oo dhowrkii todobaad ee u dambeeyey xaalad caafimaad loo dhigay.
boqor-cabdallaMadaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Raysalwasaaraha Pakistan Nawaz Sharif, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan al-Bashir iyo Raysalwasaaraha Masar Ibrahim Mehleb, ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Islaamka Madaxda dalalka Jaziiradda Carabta kala qayb-galay salaadda Jinaasadda oo lagu tukaday Masjidka Imam Turki ee magaalada Riyaadh.
Sida caadada u ah dhaqanka boqortooyada Sucuudiga, waxa boqorka lagu aasaa Xabaal aan summad gaar ah lahayn sida lagu sameeyey Boqorkii hore ee Sucuudiga Fahad Bin Cabdulcasiis oo geeriyooday sannadkii 2005-tii.
Boqor Salman bin Cabdulcasiis, ayaa khudbaddiisii u horeysay ee uu shalay jeediyo ku sheegay inaanu waxba ka beddeli doonin jihadii siyaasadeed ee boqortooyada, waxaanu midnimo ugu baaqay Muslimiinta Caalamka.
“Waxaanu sii haysan doonaa Xadhigga Illaahay ee noo tilmaamaya jidka toosan ee Qarankani dhismihiisa u soo maray ilaa xilligii uu aasaasay Boqor Cabdulcasiis al-Sacuud iyo innamadiisii uga dambeeyey,” Sidaas waxa yidhi Boqorka Cusub ee Sucuudiga oo khudbaddiisii u horreeyey ka jeediyey telefishanka dawladda.
Boqor Salmaan oo xilka Dhaxal-sugaha Boqortooyada soo hayay ilaa sannadkii 2012=dii, waxa uu sidoo kale ilaa sannadkii 2011 soo hayay xilka wasaaradda Gaashaan-dhigga. Sidoo kale, waxa uu muddo shan sanno ah soo qabtay guddoomiyaha gobolka ay ku taalo caasimadda dalkaas ee Riyaadh.
Shaacintii Geerida Marxuumka
Warkan ayaa soo shaac-baxay ka hor intii aan laga sheegin warbaahinta dalka Sucuudiga, gaar ahaan telefishannada oo dhammaantood laga daaray Aayado Qur’aanka Kariimka ah, haseyeeshee abbaaro 1:00-dii Saq-dhexe ee habeen-hore, ayaa si rasmi looga shaaciyey Telefishanka dawladda.
Boqor Cabdalla oo laba todobaad ka hor cusbitaalka loo dhigay Xannuun ka asiibay Sambabada, ayaa si ku-meel-gaadh ah xilka ugu sii wareejiyey ninka ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Salman bin Abdulaziz oo da’diisu tahay 79-jir, waxaana booska Amiirka dhaxal-sugaha ee Salmaan banneeyey loo magacaabay wiil ay xagga Aabbo ka walaalo yihiin oo lagu magacaabo Moqren bin Cabdulcasiis Al-Sacuud.
Alle ha u naxariistee, Boqor Cabdalle bin Abdulaziz oo da’diisu ahayd 90-jir, ayaa noqonaya wiilkii Shanaad ee ku fadhiista kursiga Boqortooyada Sucuudiga ee uu aasaasay Aabahood Boqor Cabdulcasiis Al-Sacuud, isaga oo sidoo kale noqday Boqorkii lixaad ee dalka Sucuudiga.
Taariikh Nololeedkii Boqor Cabdalla
Waxa uu sannadkii 1924-kii ku dhashay magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga. Waxa iska dhalay ninkii Aasaasay Boqortooyada Sucuudiga Boqor Cabdulcasiis bin Cabdiraxmaan al Sacuud iyo hooyadii lagu magacaabi jiray Fahda bint Al-Asi Al-Shuraim.
Boqor Cabdalla waxa uu ka mid ahaa 37 wiil oo uu dhalay Aabihii Cabdicasiis bin Cabdiraxmana al Sacuud.
Alle ha u naxariistee, boqor Cabdalla waxa uu dhalay carruur badan, haseyeeshee lama garanayo tirada dhabta ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Mitab, Cabdulcasiis, Mishal, Faysal, Badr iyo wiilkiisa u weyn oo lagu magacaabi jiray Khaalid, kaas oo dhintay sannadkii 2011-kii isaga oo da’diisu tahay 54-jir.
Intii u dhaxaysay sannadihii 1962 ilaa 2010, waxa uu noqday abaan-duulaha ilaalada Jamhuuriga ee Sucuudi Carabiya.
Sannadihii u dhexeeyey 1975 iyo1982 waxa uu noqday raysalwasaare ku-xigeenkii labaad ee dalkaasi yeesho. Sanadkii 1982-kii oo uu geeriyooday Boqor Khaalid, kursiga boqortooyadana uu fuulay ninkii uu kursiga ka dhaxlay ee Fahad bin Cabdulcasiis oo ay xagga Aabo ka walaalo ahaayeen, waxa uu Boqor Cabdalah noqday Dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga.
Sannadkii 2005, waxa uu noqday Boqorkii lixaad ee Dalka Sucuudiga, kaddib markii uu geeriyooday Boqor Fahad. Sannadkii 2010 waxa uu xilka taliyaha Guud ee Ilaalada Jamhuuriga Sucuudiga ku wareejiyey Inankiisa oo lagu magacaabo Mitab bin Cabdallah.
Muddo Sagaal sanno ku siman oo boqor Cabdalle soo hoggaaminayey boqortooyada Sucuudiga, waxa geeriyooday laba nin oo ay walaalo yihiin oo isaga kala dambeeyey xilka Dhaxal-sugaha Boqortooyada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment