Jaamacada Walden oo 31 bishan ka qalinjebin doonaan arday gaadhaysa lix kun oo ka soo ka kala yimi 97 wadan ayaa lagu maamuusay Adna Adan inay ka jeediso khudbada furitaanka goob ay waxbarashadeeda ku soo dhamaysatay sannadkii 1967-dii.
Qoraal ka soo baxay maamulka jaamacada ayaa la sheegay in Adna ahayd gabadhii Soomaali ugu horeysay ee deeq waxbarasho ka hesha jaamacadan qeybteeda Ingiriiska oo muddo todoba sannadood ku baranaysay aqoonta kalkaalisinimo, umulisada iyo maamulka cusbitaalada.Xafladan oo la filayo inay ka soo qeybgalaan marisharaf gaadhaysa ilaa shan kun ayaa martiqaadka Adna Adan noqonayaa mid aan tixgelin iyo qiimo gaar ah keliya u lahayn Adna, balse noqnaya mid qadiyadda madaxbanaanida Somaliland guud ahaan arday ka soo kala jeeda daafaha dunnidu fikir cusub ka heli doonaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment