Thursday, January 22, 2015

Waddani Oo U Magac Bixiyey Safarka Madaxweyne Siilaanyo Ku Mashquulsan Yahay, Xaaladda Awdal-na Ka Hadlay

Hargeysa:Jan,22,2015(Himilo)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay aragtidooda ku aaddan Mawqifka Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo kusoo maray Dhul badan oo Dalka kamid ah iyo xaaladda Gobolka Awdal oo beryahan dambe xiisad siyaasadeed ka taagan tahay.

boobe wadaniShirar isdaba joog ah oo sida la sheegay ay Safarka Madaxweynaha iyo Xaaladda Gobolka Awdal ka yeesheen Hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa ugu dambayntii laga soo saaray Qoraal warbaahinta loogu talo galay oo uu u akhriyey Xoghayaha Warfaafinta Xisbigaas Muj. Boobe Yuusuf Ducaale.

“Waa Warsaxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Waddani oo ka dhashay Wada tashi balaadhan oo dhex maray Guddida fulinta,Hogaanka Xisbiga iyo Haldoorka Xisbiga Waddani.” Ayaa lagu bilaabay qoraalka Xisbigu wuxuu tilmaamay Muhiimada Bulshada Awdal Qaranka u leedahay “Gobolka Awdal waxa uu ka mid yahay Gobolada Ahmiyadda Gaarka ah u leh Somaliland ee Doorka lama ilaawaanka ah ka soo qaatay dhisiddii Somaliland, nabadayntii iyo geedi socodka Dimuqraadiyadda”

Qoraalkan waxaa lagu faahfaahiyay Arrinta ka taagan Awdal iyo Bookhashada Madaxweynuhu dhawaan ku tagay, “Maanta Gobolka Awdal waxaa ka taagan Xaalad aad iyo aad u murugsan oo ay masuul ka tahay Xukumadda dalka ka talisaa.dhiilada Gobolka ka taagan waa mid dhinacyo badan, Mar waa tabashada Madaxdhaqameedku soo qaddimeen, muddo 8 bilood laga joogo ka hor ee aan dhagba jalaq loo siin, kaddibna sii tarantay ee sii murugtay. Tabashadaasi waxay ahayd mid ku saabsan sidii loo qaybsan lahaa Xilalka qaran, Madaxdhaqameedku kamay hadal sidii loo qaybsan lahaa Khayraadka dalka. Markale waa dhiilada ka aloosan goobta macdanta laga qodo ee Siimoodi oo muddaba taagnayd, halisteedana leh islamarkaana soo jiidatay dareenka iyo danaynta Dawladda Somalia oo markii u horaysay Qoraal rasmi ah ka soo saartay Macdanta halkaas laga qodayo.Dhiilada intaas leeg ee muddada taagan ayuu Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hogaaminayay ku tagay Safar, warkaas waa la soo dhaweeyay oo waa lagu farxay, iyadoo qof walba isku qanciyay in Madaxweynaha iyo Weftigiisu Xiisaddaas u heli doonaan Maarayn waarta. Dadba wuxuu qoslay oo cadhuuftiisa dib u liqay markii Weftigii Madaxweynuhu bookhashadiisa ka bilaabay Goobtii Macdanta laga qodayay ee ay Magaalo Madaxdii Awdal ee Boorama-na u quudhi waayeen inay Saacad ku hakadaan, iyagoo fiidkiiba ka caraabay.talaabadaas aan laga fiirsan aad iyo aad bay uga cadhaysiisay Dadkii Gobolka Awdal iyo guud ahaan Reer Somaliland ba waxaanay gaadhsiisay heerar aanay waligood gaadhin. Waxaa ku habsatay Masiibo aanay galabsan balse ay u garatay Intii Xukumaddan gadhwadeenka ka ahayd.”

Xisbiga Waddani waxa uu sheegay inay haboonayd in Madaxweynuhu Bulshada Awdal wakhti uu kula xaajoodo siiyo oo aanu si degdeg ah uga soo noqonin iyadoo qabyo iyo cabasho jirto, “Waxay Mudnaantu ahayd in Dadka lala xaajoodo oo aan Mudnaanta la siin Macdanta laga qodayo Siimoodi, waxaa Ayaan darro ah Xukumaddeenan tan iyo maalintii ay talada dalka la wareegtay inay dhaqan iyo caado ka dhigatay Siyaasaddaha hadhaaga ah ee dunidu ka diga rogatay ee ah Qaybi oo xukun, waa tabihii iyo xeeladihii la adeegsan jiray Casri jaahiligii. Tabahaas laga tagay waxay Xukumaddeenu ku darsatay Dhagax dhig,Xadhig jarid, Ballanqaad Ballan fur ka dambeeyo iyo Socdaalada Siigaaleyaasha la baxay ee sida Gaaraa bildhaanka hadba meel laga hilaacayo” ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka Xisbigu soo saaray.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment