Zakariya oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta Somaaliya oo bishii December ee sanadkii la soo dhaafay isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyey inuu ka tanaasulay fikirkii Al-Shabaab.

Mar uu soo hadal qaaday ujeedooyinkii hore ee u ku bilowday Al-Shabaab oo ahaa kuwo dad badan soo jiidan jiray, balse nasiib daro ay dhacday in laga leexday ujeedooyinkaas, isla markaana ay marin habaabiyeen shaqsiyaad watay dano gaar ah oo guracan, fara gelin iyo aragti shisheeyana aysan ka madhneyn.
“Xaaladuna waxay ku danbaysay in 1- in laga beensheego ku dhaqankii shareecada laguna dhacay xadgudub diineed, 2- Midnamadii iyo wada tashigii ururka oo meesha ka baxay, 3- Xidhiidhki bulshada oo xumaaday loona tudhi waayay, 4- Dulmi iyo xadgudub badan oo loo gaystay bulshada iyo dad badan oo ururka ka tirsanaaba, 5- In Jihaadkii la marin habaabiyay, loona rogay mid shacabkii lagu beegsado dhiigga muslimkana lagu xalaashaday”ayuu yidhi Zakariye Ismaaciil Xirsi.
Sidoo kale Zakariye Ismaaciil oo hadalkiisa wataa wuxuu yidhi “Waxaa xaqiiqa ah in fikirkaas qaloocan uu ku koobanyahay rag fara kutiris ah oo hogaanka ururka kamid ah, waxaana jira dad badan oo an qabin arinkaas kuna qanacsanayn sida wax u socdaan”
“Haddaba waxaan cadaynaayaa wixii imika ka danbeeya in aan xubin ka ahayn Ururka Al-shabaab, mabaadiidayda iyo fikirkayga aan ku gudbisan doono qaab nabadeed iyo isfaham; oo aan ka tanaasulay inaan dagaal iyo colaad wax ku xaliyo”ayuu yiri Zakariye Ismaaciil.
Waxaa ugu baaqayaa kuna dhiiri galinayaa ragga saaxibaday ah in si wadahadal iyo nabadgalyo ah wax laga xaliyo maadaama uu ururkii ku yimid burbur iyo kala tag, anigana halkan waxaan
“Waxaan halkan ka cadaynayaa in aan waxba ka jirin aragtida ay dadbadan oo ururka ka mid ahi aaminsan yihiin in dawladu ku xadgudubto xuquuqda muwaadinka, iyo in loo gacangeliyo gacan shisheeye”ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Zakariye Ismaaciil.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:
Post a Comment