
Dhinaca kale madaxweynuhu waxa uu ka qaybgalay xaflad balaadhan oo baabuurta dadka laxaadkoodu dhamaystirnayn loogu talo galay in la guddoonsiiyo, laguna dhiirigeliyo oo dhamaa 130 gaadhi curyaan oo isugu jira mootooyin iyo baaskeelado, iyada oo qofkii nasiibku u saacidi waayo ama halkaa ku sugnaa ee aan ku guulaysan mooto ama baaskeel in la siinaayey 100 Dollar oo abaal marin ah.
ugu danbayntiina waxa uu madaxweynuhu u soo amba-baxay dhinaca gobolka saaxil isaga oo intaanu ka soo dhamaan gobolka togdheer soo maray degmada Qoyta oo dad aad u tiro badani isugu soo baxeen, kuna soo dhaweeyeen halkaasi iyada oo madaxweynaha la geeyey goob loogu talogalay madaxweynaha iyo weftigiisa, shacbiga deegaanka Qoytana ay ku soo bandhigeen wixii ka dhiman iyo wixii loo qabtay labadaba iyo wixii ay markaasi ka dalbadeen madaxweynaha iyo xukuumadiisa, isagoo madaxweynuhu uga mahadnaqay sida qiimaha badan ee loogu soo dhaweeyey qoyta wixii ay dalbadeena insha allaa wixii alle qadaro ee suura gal ah uu la qaban doono ka xukuumad ahaan.
HALKAN KA DAAWO SAWIRADA
[gallery columns="4" ids="14437,14436,14435,14434,14433,14432,14431,14430,14429,14428,14427,14426,14425,14424,14423,14422,14421,14420,14419,14418,14417,14416,14415,14414,14413,14412,14411,14410,14409,14408,14407,14406,14405,14404,14403,14402,14401,14400,14399,14398,14397,14396,14395,14394,14393,14392,14391,14390,14389,14388,14387,14386,14385,14384,14383,14382,14381,14380,14379,14378,14377,14376,14375"]
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment