
Sannadkii 2014 qiyaasta koboca dhaqaalaha adduunka ayaa sare u kacay 2.5%, sababo la xidhiidha qiimo-dhaca sicirka shidaalka, balse koboca dhaqaale ee adduunka ayaa lagu sheegay warbixinta inay culays ku keeni doonaan qiimo-dhaca lacagta Yurub iyo Jaban, halka dalka Shiinahu gaadhi doono koboc dhan boqolkiiba 7% sannadkan 2015.
Warbixinta Baanka adduunka ayaa lagu sheegay in marka laga yimaado Japan, qaarada Aasiya iyo Australia noqon doonaan meelaha koboca ugu horeeya gaadhi doona. Dalka Papua New Guinea ayaa la saadaalinaaa inuu gaadhi doono koboc dhan 15%, laba jibaar ka badan dunida kale.
Dalka Ruushka dhaqaalihiis ayaa la sheegayaa inuu hoos u dhici doono, qiimo dhaca shidaalka awgeed oo dhaqaalahiisu ku xidhnaa iyo cuna-qabataynta waddamadda reer Galbeedka. Sidoo kale dalka Macau ayaa la sheegayaa in hoos u dhac dhaqaale haleeli doono, maadaama khamaarka dhaqaalahiisu ku xidhnaa, halka Somaliland la saadaalinayo inay gaadho koboc dhaqaale sannadka 2015.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in waddanka sida ugu weyn u saamayn doonto dhaqaale la’aantu noqon doono dalka Sierra Leone, sababo la xidhiida xanuunka Ebola ee ka dilaacay waddamadda Waqooyiga Afrika qaarkood.
Warbixintan ayaa ku soo beegmaysa xilli miisaaniyadda qaranka Somaliland laga dareemayo koboc sare sannadihii u dambeeyey, isla markaana sannadkani yahay kii ugu badnaa intii jamhuuriyadda Somaliland la soo noqotay madax-banaanideeda, inkastoo cabiraada koboca dhaqaalahu aanu keliya ku xidhnayn koboca miisaaniyadda, haddana wuxuu ka qeybqaadanayaa awooda wax-iibsiga dadka iyo guud ahaan qiyaasta horumarka iyo dhismaha kaabayaashiisa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment