Hargeysa, 27 January, 2015 (Himilo)-Hogaanka Cusub Ee Dalladda Heer Qaran ee Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa si rasmi ah shalay ula wareegay xilkii dalladdaasi xaflad aad u ballaadhan oo ka dhacday Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxda Xisbiyada Qaranka, Wasiirrada Maaliyadda, Dhallinyarada, Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Wasiir-ku-xigeenada Qorshaynta qaranka iyo Warfaafinta, Badhasaabka iyo Maayarka Boorama, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Dadweyne aad u tiro badan.
Xafladdan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii 30-kii Bishii December 2014 doorashadii ka dhacday Xarunta dhexe ee dalladda SONYO cod aqlabiyad ah ururada dalladda ku bahoobay ugu doorteen hogaanka labada sanadood ee soo socda kuwaasi oo markii ugu horraysay taariikhda SONYO noqday Guddoomiye iyo Ku Xigeen ka soo kala Jeeda Gobolada Awdal iyo Sool Md. Siyaad Cumar Cali iyo Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo xubnaha Golaha sare ee ay Hogaamin doonaan oo noqonaya Golihii 7aad ee dalladda SONYO yeelato.


Intaa kadib waxa madasha khudbad dheer oo qiimo badan ka soo jeediyey Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Guddida Doorashooyinka qaranka Md. Cabdillaahi Jawaan oo SONYO kula dardaarmay inay dadaalkaasi sii laban laabto sida maanta qaranku ugu faanayana ay sumcaddaasi sii ilaashadaan oo wax wada qabsadaan. Cabdillaahi Jawaan waxa uu xusay in kooxda yar ee xafladdan xil wareejinta ka baaqatay ay dhawaan casuumeen oo ay u yeedheen balse uu diiday isaga oo eegaya sharciyadda iyo aqlabiyadda SONYO waxaanu ugu baaqay in cid kasta oo ka cadhootay doorashadii dhawayd dib loo soo celiyo oo la isu hanneeyo guusha.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadallada isaga kala dambeeyey ayaa si weyn ula dardaarmay hogaanka cusub ee SONYO hambalyeeyeyna Hogaankii hore ee xilka wareejiyey. Wasiir Samaale waxa uu SONYO u ballan qaaday in xukuumadda uu ka tirsan yahay sidii ay hore ula shaqayn jireen iyo si ka sii weynba ula shaqayn doonaan mar walbana ay garab taagan yihiin dhallinyarada qaranka. Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa isna sheegay in siyaasadda xisbiga KULMIYE ay udub dhexaad u tahay horumarinta dhallinyarada Somaliland. Buuggii ololaha doorashada ay ku galeena wixii kaga aaddanaa horumarinta dhallinyarada boqolkiiba 70 iyo in ka badan ay u hirgashay maantana ay sii laban laabayaan sidii ay dhallinyarada ula shaqayn lahaayeen waxna ugu qaban lahaayeen.
Badhasaabka Gobolka Gabiley Cabdoo Axmed Aayar, Maayarka Degmada Boorama Mudane Saleebaan Xasan Xaddi, Wasiir ku xigeenada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Qorshaynta qaranka, Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed iyo masuuliyiin kale oo madashii xilwareejinta SONYO ka hadlay ayaa dhammaantood ammaan u soo jeediyey hogaankii hore ee SONYO si weyna ula dardaarmay hogaanka cusub iyo waaga cusub ee SONYO. Iyagoo soo jeediyey in cid kasta oo SONYO dhexdeeda wax ka tirsanaysa la qanciyo oo ay sharciyaddu hogaamiso hayaanka dalladda .
Gabagabadii Munaasibadda waxa halkaa lagula kala wareegay xilkii SONYO iyada oo Guddoomiyihii hore ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani uu si rasmi ah Guddoomiyaha cusub Md. Siyaad Cumar Cali ugu wareejiyey dhukumantiyada Xil-wareejinta SONYO, Hantida dalladda, Xafiiska maamulka, shuruucda iyo dhammaan hawlaha dalladda. Waxa xusid mudnayd in Guddoomiyaha SONYO halkaasi xataa ku warejiyey Teleefankii gacanta ee Guddoomiyaha oo kaadhkii ku jiro iyo Hard Disk-gii xogta dalladdu ku jirtay oo uu sidan oo kale laba sano ka hor ula wareegay. Tallaabadaasi oo muujinaysa bannaan-yaalnimada iyo xalliibnaanta (Transparency and Accountability) oo ah milgo lagu majeerto dalladda SONYO.
Ugu dambeyn waxa madasha soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal oo hadalo dardaaran ah madasha ka soo jeediyey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment