Tuesday, January 27, 2015

Turkiga Oo Guul Ka Gaadhay Amar Nebi Muxamed N.N.K.H Loogu Hiilanayo Oo ka Dhan ahaa Shirkadda Face-book

Stanbul:Jan,27,2015(Himilo)-Maxkamad ku taalla dalka Turkiga, ayaa shirkadda Face-book-ga, u gudbisay amar ah inay xidho dhamaan boggageeda lagu aflegaadanayo Nebi Muxamed N.N.K.H, Taas Beddelkeedana laga Mamnuuci doono gebi ahaanba dalka Turkiga.

face bookShirkadda Face-book-ga, ayaa amarkaas u hoggaansaatay, waxana ay eexaysteen Macaamiishooda dalka turkiga oo tiradooda lagu sheegay ilaa iyo 40-milyan oo qof, kuwaas oo si toos ah ugu xidhan shabakadda Face-book-ga.

Muddo 15-maalmood laga joogo maxkamad ku taalla magaalada Diyar Bakar ee dalka Turkiga, ayaa mamnuucday in la baahiyo kartoon ay samaysay Jariiradda Charlie Hebdo ee dhawaan wariyayaasheedii la laayey, waxana xigay in gebi ahaanba shirkadda Face-book loo diro farriin ay aqbashay.

Facebook waxa ay ka gaabsatay arrintaasi inay ka hadasho, balse waxa ay leedahay shuruuc in la joojiyo bogagga ku xadguba xeerarka dalalka.

Facebook ayaa dhowaan daabacday warbixin ku saabsan dalabaadka dowladaha caalamka uga imaanayo ee la xidhiidha akhbaaraadka qofka isticmaalaha ah.

Warbixintii ugu dambeysay ayaa lagu sheegay in intii u dhexeysay bishii January illaa June, in 1,893 warar la mamnuucay laga sameeyay gudaha dalka Turkiga.

Xilligaasi, Turkiga waxa ay si kumeel gaadh ah u joojiyeen howlaha Twitter iyo Youtube.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment