
Dhinaca kale, Madaxweyne Siilanyo oo xadhiga ka jaray mashruuca dayactirka haamaha shidaalka ayaa sidoo kale dhagax-dhigay mashruuc kale oo muddo saddex bilood ah lugu hirgelindoono, kaasi oo ah mashruuca balaadhinta haamaha shidaalka.
Ugu dambayn, madaxweyne Siilanyo oo kormeer ku wehelinayeen madax kala duwan ayaa guud ahaan kormeer ku maray kaydka haamaha shidaalka, isaga oo markii danbena ku soo noqday xaruntii loogu talogalay xafladu inay ka qabsoonto oo ay hadalo ka jeediyeen ganacsato, waxgaradka, culimo awdiinka, cuqaal, sulaadiin, madax-dhaqameedka, madaxda dawlada iyo aqoon yahano kale, iyaga oo ku dheeraaday waxqabadka ay ku talaabsatay Haamaha shidaalku oo muujisay kartida maareeyaha haamuhu u leeyahay shaqadiisa, iyo inuu yahay wiil dhalinyaro ah balse xilka la saaray ka soo baxay oo dedaal dheeriya muujiyey.
Madaxweyne Siilanyo oo halkaasi ka hadlay ayaa ku hambalyeeyey maareeyaha Hamaaha Shidaalka Sheekh Saleebaan dedaalka iyo kartida uu la yimid ee uu haamihii ku hormariyey kana dhigay kuwo casri ah oo gudo iyo debedba, waxaanu madaxweynuhu ku dardaaray maareeyaha inuu halkaasi ka sii wado waxqabadkiisa iyo dedaalkaaba, waana mid lagaaga dayan doono ayuu yidhi madaxweynuhu waxa aad qabatay waana lagugula tartami ee ogsoonow taasi.
Sidoo kale xaflada joogtay marwada madaxweynaha qaranka Somaliland marwo aamina sheekh maxamed jirde oo ay haween weynaha gobolka saaxil ku sharfeenkuna maamuuseen laba xeedho oo ay marwada ku dhiirigeliyeen, sida qiimaha iyo sharafta badan ee ay marwalba isaga xilsaarto danaha iyo ka war haynta dadka jilicsan ee aan awoodin inay waxqabsadaan, sida dhegoolayaasha, Agoomaha iyo dadka waayeelka ah misen adanyarta ah, iyada oo marwadu ka gudoontay haweenka hadyadaas, ugana mahadnaqday siday u sharfeen marwada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment