Meydka ayaa la sheegay inuu ahaa nin, isla-markaana aan wali la haynin cid aqoonsata, balse uu yahay qof loo malaynayo inuu yahay Somali, iyadoo aan la haynin sida uu ku geeriyooday.Ciidamada Debi baadhista ee CID-da, ayaa wada baadhitaano la xidhiidha meydkan iyo sida uu halkaas ugu dhintay, waxana arrinaas saxaafadda u sheegay Guddoomiyaha Gobolka Mareeji jeex Maxamed Axmed Jeeniyare, kaas oo tilmaamay inaanu baadhitaankaas ka hordhacaynin.
Ammaanka caasimadda ayaa meel fiican maraya, waxase dhawaanahan soo kordhay dhallinyaro rabshado wado oo caasimadda meelo kamid ah isku weerara xilliyada Habeenkii.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment