
Wednesday, April 1, 2015
Nigeria: Natiijada Doorasho wax ka beddeshay Taariikhda Dalkaas oo uu ku guulaystay Hoggaamiye Afar Jeer Isu-sharraxay Madaxweynenimo
Lagos, 01 April, 2015 (Himilo)- Hoggaamiyihii Mucaaradka dalka Nigeria, Muhammaddu Buhari ayaa guul la taaban karo ka gaadhay doorashadii dalkaas ka dhacday todobaadkan oo ay ku tartamayeen xisbiga talada dalkaas hayey oo uu hoggaaminayey madaxweynaha Nigeria Goodluck Johathan. Muhammadu Buhari oo noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey mucaaradka Nigeria ee doorasho ku guulaysta, waxa uu madaxweynaha hadda talada haya kaga guulaystay codad gaadhaya 3 milyan, kaddib markii shalay gelinkii dambe guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinku ku dhawaaqeen natiijada codbixinta oo ku-dhawaaqisteeda la sugayey ilaa Isniintii todobaadkan.
Madaxweynaha doorashada lagaga guulaystay Goodluck Jonathan, ayaa helay 12.8 milyan oo Cod, halka hoggaamiyaha mucaaradku ka helay 15 Milyan oo Cod. Afhayeen u hadlay xisbiga Mucaaradka ee APC, ayaa sheegay in Madaxweyne Jonathan aqbalay natiijada codbixinta isla markaana uu ku hambalyeeyey Generaal Muhammedu Buhari guusha doorashada. “Madaxweyne Jonathan wuxuu u hanneeyey Muhammadu Bubar inuu doorashada ku guulaystay, waanu u hambalyeeye,” Sidaa waxa yidhi Afhayeen Lai Maxamed, waxaanu ammaan u jeediyey madaxweyne Jonathan, “Go’aanka uu qaatay waxa uu ka dhigi doonaa Geesi taariikhdu xusto, wax dhibaato ah oo dhacayaan ma jiri doonaan.” Maraykanka iyo Ingiriiska oo si wada-jir ah war-murtiyeed u saaray shalay, ayaa rejo xumo ka muujiyey xasilooni-darro ka dhalata natiijada doorashada. In kasta oo korjoogeyaasha caalamiga ahi ay ammaanen doorashada. Madaxweynaha la doortay ee Nigeria, Muhammadu Buhari oo doorashadani u ahayd markii Afraad ee uu isu-taago Madaxtinimada dalkaas, ayaa doorashadii u dambeysay kula tarmaya Madaxweynaha xilka sii haya ee Goodluck Jonathan oo doorashada kaga helay 2 Milyan oo cod, balse mucaaadkii uu wakhtigaas hoggaaminayey Mr Buhari oo doorashada ka biyo-diiday, waxa ay sababtay is-hor imaadyo iyo qalalaase galaaftay nolosha boqolaal qof. Taariikhda Cusub ee Nigeria Natiijada ka soo baxday doorashada ayaa lagu tilmaamay mid taariikh dahabi ah u leh dalka Nigeria oo aanay hore uga dhicin in doorashada lagaga guulaysto madaxweyne kursiga ku fadhiya. Ilaa wakhtigii ay Nigeria Madax-bannaanida ka qaadatay sannadkii 1960, waxa dalkaas ka dhacay Af-gembiyo tira-badan, doorashooyinna waa laga qabtay, balse waxa ay natiijadani soo if-bixisay heerka dimuqraadiyaddu ka taagan yahay dalka Nigeria oo lagu tilmaamo inuu yahay waddanka ugu dad badan qaaradda Afrika. Jeneraal Buhari oo 72-jir ah, kana soo jeeda Woqooyi dalka Nigeria oo Muslimiintu deggen yihiin, waxa uu dalka Nigeria soo xukumi jiray intii u dhaxaysay 1984-kii ilaa 1985-kii, kaddib markii uu talada dalkaas kula wareegay af-gembi milatari sannadkii 1983-kii. Wixii intaas ka dambeeyeyna waxa uu tartanka doorashada madaxtinimada isu-taagay Afar jeer. Halka Mr Jonathan waxa uu dalkaas soo hoggaaminayey ilaa sannadkii 2010-kii oo uu si ku meel-gaadh ah u sii hayey markii uu xanuusaday madaxweynihii wakhtigaas, haseyeeshee waxa uu si rasmi ah madaxweyne la doortay u noqday sannadkii 2011 oo uu ku guulaystay doorashada. Waddanka Nigeria, ayaa sannadihii u dambeeyey weerarro galaaftay nolosha kumanaan qof kala kumay Kooxda Boko Haram oo dagaal kala soo horjeedda dowladda dalkaas isla markaana damacsan inay dowlad Islaami ah ka hirgeliyaan waddankaas. Balse, dad badan oo codkooda dhiibtay, ayaa aaminsan in Generaal Buhari uu ku wanaagsan yahay inuu ka guulaysto Kooxda Boko Haram, maadama uu yahay Hoggaamiye Muslim ah. Himilomedia Hargeysa

Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment