Wednesday, April 1, 2015

SONSAF oo qabatay Kulan Falanqeeyey Casharrada laga bartay qaladaadka diiwaangelintii hore iyo digtoonida ta dambe

Hargeysa, 01 April, 2015 (Himilo)- Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn Somaliland ee SONSAF, ayaa lagaga hadlay casharrada laga bartay doorashooyinkii iyo diiwaangelintii hore ee ka soo qabsoomay dalka Somaliland, qaladaadka galay iyo sida looga digtoonaan karo in qaladaad galo doorashooyinka Madaxtooyada, Wakiillada iyo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee la filayo in dalka laga qabto.
Kulankaas oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay Xildhibaanno ka socday Baarlamaanka, Xubno ka socday Xisbiyada qaarkood, Ururrada Bulshada iyo Aqoonyahan kale, waxaana kulankaas lagu soo bandhigay Casharrada laga bartay qaladaadka galay doorashooyinkii hore iyo diiwaangelintii hore ee cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, taasoo noqotay tii ugu qaladaadka badnayn, iyo sidoo kale sida loo baahan yahay in laga digtoonaado in qaladaad ku yimaaddo ama galo doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo aan weli la muddayn iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka oo dalka ka bilaabmaysa bisha toddobaad ee sannadkan 2015-ka sida ay bilawgii bishan shaaciyeen Guddiga doorashooyinka Qaranku.
Agaasimaha Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF Maxamed Axmed Barawaani oo furitaankii kulankaas ka hadlay, ayaa faahfaahiyey ujeeddada ay Dallad ahaan u qabteen kulankan, waxaanu yidhi; “Kulankani wuxu daarran yahay in laga hadlo ama aynu wax badan iska weydiinno maxaa doorashooyinkeennii hore ama diiwaangleintii hore innaga qaldamay, waayo? haddaynaan qiimayn geeddi-socodkii dheeraa ee aynu soo marnay, doorashooyinkii badnaa ee la qabtay iyo diiwaangelintii u dambaysay ee 2008/2009, kuwa soo socdana ma qiimayn karno. Markaa, shirkani wuxu daarran yahay inaynu wax badan iska weydiinno, iska xog-waraysanno, falanqayno oo runtii aynu aragtiyo badan midayno.”
“Waynu ogeyn diiwaangelinteennii u dambaysay ee 2008/2009 wax fara badan baa ka qaldamay, waatii la laalay ee aynu ogeyn. Markaa, bal diiwaangelintan soo socota ee cod-bixinta doorashooyinka inaynu ka digtoonaanno khaladaad innaga gala ayaa loo baahan yahay oo aynu si fiican ugu dabbaqno casharrada aynu ka barannay qaladaadka tii hore innaga galay.” Sidaa ayuu yidhi Barawaani.
La-taliyaha arrimaha dibedda ee Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Faadumo Siciid Ibraahin, ayaa halkaas ka hadashay, waxaanay sheegtay inay aad uga xun tahay inaanay goob-joog kulankaas ka ahayn Guddiga doorashooyinka Qaranku. “Waxay ahayd inay Xukuumadda, gaar ahaan Xisbil-xaakimku goobtan joogaan. Waxaan aad iyo aad uga xumahay in Guddigii doorashooyinka Qaranka ee Shaqadooda laga hadlayey-ba aanay goobtan iyaguna joogin,” Sidaa ayay tidhi Faadumo Siciid.
Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo ka socday Golaha Wakiillada, isla markaana metelayey Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa isaguna kulankaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Haddii aynu doonayno doorasho wanaagsan oo xalaal ahi inay innoo dhacdo, aan siinno sida Guddiga doorashooyinka ay isaga soo dhammaynayaan hawlohooda, wixii ka dhimanna lagu biiranayo oo la leeyahay halkaa waxba kamaydaan qabayn, samirna aan u yeelanno.”
Xildhibaan Ibraahin Raygal oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doortay Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa kulankaas hadal kooban ka jeediyey, waxaanu yidhi; “Kelmaddooda Rasmiga ah Xisbi ahaan waxa odhan kara Guddoomiyaha, Ku-xigeenka, Guddiga fulinta iyo cidda ay u igmadaan. Kursiga waa laga kacayaa, doorasho ayaana lagaga kacayaa..!”
Himilomedia
Hargeysa

No comments:

Post a Comment