Wednesday, April 15, 2015

Tahriibayaal Nolol-doon ahaa Oo ku Halligmay Badweynta Mediterranean-ka

beerRome:April,15,2015(Himilo)-Tiradii ugu badayn ee Tahriibayaal Nolol doon ahaa oo Dalalka Yurub u jihaysnaa ayaa Geeriyooday, kadib markii ay doonidii ay la socdeen kula geddoontay Badda Mediteranean-ka.

Ilaa iyo Haatan dhimashada waxa lagu sheegay inay kor u dhaafayso Afar Boqol oo tahriibe, waxana raacdo loogu jiraa in lasoo helo meydadkooda.

Masiibadan, ayaa lagu sheegay middii ugu xumayd ee Bishan gudaheeda ka dhacda Baddaas, iyadoo Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bani’aadamnimaduna badbaadinta qaar haatan badda ku jira ku hawllan yihiin.

Hey’adda Bad baadada Caruurta ee Save The Children ayaa sheegtay in dhamaan dadka dhintay ay caruur u badnaayeen, waxaana socda baadigoob xoogan, iyadoo sidoo kalena ay ku jireen Haween tiro badani.

Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in ilaa 144 qof la bad baadiiyay, waxaana ay sheegeen inay rajo ka qabaan inay bad baadiyaan hadii ay jiraan dad kale oo nool.

Dadka la soo bad baadiyay ayaa sheegay in doonta ay saarnaayeen ilaa 550 qof, isla markaana ay si lama filaan ah ay u quustay markii ay badda gudaheeda ku jirtay

Midowga Yurub ayaa sheegat in ilaa jimcihii ciidamada xeebaha Talyaaniga ay bad baadiyeen ilaa 7000 oo ruux.

Muhaajiriinta ayaa u badan Carab iyo Afrikaan, waxaana dadkan u soo safraya Talyaaniga ay doonayaan inay kaga gudbaan Yurub inteeda kale, si ay nolol ka wanaagsan tii ay ku jireen ugu noolaadaan.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment