Wednesday, April 15, 2015

Ujeeddada Shir Galbeedka Afrika uga Furmay Gole ay ku midaysan yihiin 13 Waddan oo Somaliland iyo Soomaaliya ku kulmeen

africaAccra 15 April, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka qayb-gashay Wejiga labaad ee shirweyne ay magaalada Accra ee dalka Ghana ugu qaboomay Gole ay ku midaysan yihiin Wasiirrada 13 waddan oo ku yaala Badhtamaha, Bariga, Geeska iyo Galbeedka qaaradda Afrika.

Shirka oo shalay Salaasadii magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana uga furmay Golaha Wasiirrada dowladaha Afrika (ACGN), waxa ka qayb-galay 25 masuul oo xilal sar-sare ka haya dalalkooda, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii laysku weydaarsan lahaa khibradaha wadamada ee la xidhiidha arrimaha diyaarinta siyaasadaha lagu horumarinayo bulshooyinka wadamadaa ku bahoobay.  Waxaana hal-ku-dhigga sannadkan lagu sheegay inuu la xidhiidhi hufnaan iyo isla-xisaabtan diyaarinta siysaadaha iyo dhaqangelintooda.

Golaha Isku-xidhka Wasiirrada Dowladaha Afrika oo kulankoodu noqonayo kii labaad ee ay isugu yimaaddaan, waxa lagu falan-qeeyaa sidii loo hirgelin lahaa nidaam maamul oo ku salaysan go’aan-qaadasho laysku halleyn karo si loo dhiirri-geliyo maamul ka madax-bannaan mad-madow iyo wax is-daba-marin.

Furitaanka Shirka waxa hadallo ka jeediyey madaxweynaha waddanka Ghana John Mahama oo sheegay in madaxda Afrika looga baahan yahay qorsheynta siyaasado horumariya nolosha dadkooda, mar uu ka hadlayey shirkii labaad ee xukuumada oo wadamo Somaliland ku jirto uga furay dalkiisa.

Madaxweyne Mahama ayaa ka codsaday hogaamiyeyaasha Afrika inay si joogto ah uga qeybgeliyeen bulshadooda diyaarinta siyaasadaha iyo dhaqangelintoodaba, taas la’aanteedana ay horseedi doonto inaan shacabku dareemin waxqabadka maamulkooda, taasina dhaawaci doonto horumarka qaarada Afrika.

Shirkan oo la filayo in la soo xidho 17-ka bishan oo maalinta Jimcaha ku beegan,  ayaa la sheegay in wakiilada qaarada Afrika ku falanqeyndoonaan sida loo horumarinayo islaxisaabtanka iyo hufnaanta, marka la diyaarinayo siyaasadaha qaarada Afrika.

Waxa kale oo shirka ka hadlay Guddoomiyaha Golaha ay ku bahoobeen 13 waddan ee Qaaradda Afrika, Dr Ernest Surrur iyo wasiirka Madaxtooyada dalka Ghana Roger Angsomwine.

Warkan oo aanu ka soo xigannay mareegta Golahan ay ku bahoobeen 13-ka dal, lagu sheegin magacyada xubnaha uga qayb-galay dowladaha Afrika, haseyeeshee, waddamada uu ka kooban yahay ayaa kala ah  Ghana, Sierra Leone, Liberia, Malawi, Somalia , South Sudan, Uganda and Zambia,Rwanda, Botswana, Somaliland, Tanzania iyo Zanzibar

Shirkan oo wejigiisii hore ku qabsoomay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxa taageera isla markaana xagga farsamada ka caawinaya shirkad lagu magacaabo Adan Smith International, iyada oo dhaqaalaha ku baxaya ay bixinayso Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Britain. Waxaana wejigaas hore ee magaalada Addis Ababa uga qayb-galay dhinaca Xukuumadda Somaliland agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Xasan Cabdi Madar.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii wefti ka socda Somaliland oo ay hoggaaminayaan masuuliyiin xilal sar-sare ka haya Xukuumaddu ay si qarsoodi ah uga dhoofeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo la sheegay inay safar u baxeen waddanka Ghana, iyaga oo aan saxaafadda waxba la wadaagin. Haseyeeshee, lama oga sababta ay xukuumadda daaha u saartay ka qayb-galka shirkan.

No comments:

Post a Comment