Wednesday, June 10, 2015

Dood aan Waxba laysula hadhin oo dhexmaray Saaxiibbo Hore oo Ged-geddoonka siyaasaddu kala irdheeyey

Hargeysa, 10 June, 2015-(Himilo)- Weerarkii Duur iyo Cali-Guray vs Is-difaacii Maxamuud Xaashi iyo Indho-indho

“Dee mabaannaan arag la-xisaabtanka markaan joogay iyo illaa maanta oo Maxamuud joogo la is-maba arko.” Maxamed Nuur Carraale (Duur)

 

“…wuxu ahaa Wasiirkii lahaa; ‘Qarankani reer isu soo baxa oo meel Taayirro ku guba wuu dhaafay, Sharciguu ku shaqaynayaa..” Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi

“Ammaanta aan u hayaa Xukuumadda waxa weeye taa Cali-Guray qiray oo waa tii ugu wax-qabadka badnayn, waana tii ugu mucaaradka yarayd…” Xildhibaan Cabdiqaadir Indha-indho

Dood adag oo dhinacyo badan wax lagaga eegay, ayaa dhex-martay Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka Cirka Somaliland oo metelayey Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), Wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo xilligan ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indha-indho) oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, kuwaasoo si adag oo aan waxba la isu qarin u wadahadlay.

Waxay Siyaasiyiintani ka hadleen waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo hoggaamiyo oo shantii sano ee loo doortay hoggaaminta dalka ay ku buuxdo 26-ka bishan aynu ku jirno ee June 2015-ka, waxyaabaha ka qalloocday intaas iyo dhalliilaha ay leedahay, waxyaabaha ay ku fashilantay iyo qodobbada caddaynta u ah dooddooda ee mid waliba cuskanayo.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo la weydiiyey heerka dalku wakhtigan marayo shan sano ka dib markii ay xilka qabteen Xukuumad ahaan, ayaa sheegay muddada shanta sano ah ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xilka haysay inay qabteen wax badan oo hurumar ah dhinac kasta oo laga eego. “Isbeddel weyn oo laxaad leh baa qabsoomay, yididdiilo ayaannu ummadda ku abuurnay, maantana muddadii baa dhammaatay. Waxa ugu weyn ee aannu ku guul-darraysannay Qaran ahaan iyo ummad ahaan waa dib-u-dhaca doorashooyinka ee Golaha Wakiillada oo dib u dhacday laba jeer iyo ta madaxtooyada oo iyana markii koowaad dib u dhacday oo muddo-kordhin loo wada sameeyey. Aad baannu ugu qanacsannahay waxa aannu qabannay.”

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), oo isaguna ka jawaabayey su’aasha koowaad ee laga weydiiyey sida uu ugu qanacsan yahay halka uu dalku marayo dhinacyada horumarka, waxa uu yidhi; “Shan sannadood bay muddo-xileedkii Xukuumadda loo doortay ahayd, Sharciyad baa dhammaatay oo shantaa sano ku eeg. Qof kasta oo Masuuliyad ka soo qabtay Somaliland wax buu qabtay, waxma qabtane ma jirin. Laakiin, qiimayntu waxay noqonaysaa halka ay ku gebo-gabawdo. Gebo-gabadu waxay maraysaa Madaxweynihii la doortay, ee shanta sano la doorto, qaddiyad doorasho ayaa xilka loogu dhiibay, muddadaa xilkiisa waxay ahayd inuu doorasho qabto, qaddiyadda u adag ee maanta taaganina doorashadii baa meesha ka maqan, waxay keentay in laga wadahadlo oo dalka loo tudho, waxaan si weyn ugu mahad-naqayaa Xisbiyada Siyaasadda. ALLAAH  mahaddii dalku Cabsi malahayn, wax weyn oo aynu maanta ummadda ka iibinno oo aynu hor-dhignaana innooma yaallaan, inta la soo qabtay nabadgelyada haddaynu ka eegno ALLAAH mahaddii. Ma ku ammaan-baa Maxamuud wuxu yidhi; dal iyo dad mid ah. Dee lama rabo maanta dal iyo dad mid ah oo waa lagu wareejiyey ee waxa la doonayaa maxaa kordhay, dal iyo dad mid ah waa la idinku wareejiyey oo weliba garoocad-na waa jiraaye?”

Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aashaas, waxaanu yidhi; “Anigu Xukuumadda waan dhalliilaa, wax runana waan ku dhalliilaa, taariikhdayda intaan noolaana been ma sheegin, kuwii ka horreeyey-na been kama sheegin, iyagana been kama sheego, mar qudha ma dafirin wax-qabad Xukuumaddu qabatay, laakiin waxaan diidaa waxaannu qalloocinnay ma jiro oo ay la soo taagan yihiin. Wax badan baa la qabtay marka dhismaha laga eegayo, way kaga fiican tahay Xukuumadihii ka horreeyey oo dhan dhinaca dedaalka dhismayaasha hadday Madaarro tahay, hadday Waddooyin tahay iyo hadday iyo hadday dhismayaal dawladda ah tahay way kaga fiican tahay Xukuumadihii ka horreeyey, waanay uga dedaal badan tahay, intaas waan qiraa markasta, immikana waan qirayaa. Taas waxa berberyaal oo bi’iyey oo aan wax la soo marinayaa hadday Awr liqaan aanay jirin, Aadamuhuna wuxu u abuuran yahay inuu wax qaldo oo uu wax saxo.”

Waxa kale oo uu Cali-Guray sheegay in Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo si weyn ugu fashilantay xidhiidhka Bulshada caalamka iyo inay sawir fiican ka iibiso adduun waynaya, sidoo kalena ay ku fashilantay dhinaca dhawrista Madax-bannaanida Saxaafadda iyo Xorriyatul-qawlka iyo dimuquraadiyadda, qodobbadaas oo ka mid ah kuwa xumeeyey Sawirka ay Bulshada caalamku ka haysato Somaliland.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indha-indho) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, waxa uu isla su’aashaa kaga jawaabay; “Xukuumaddan anigu waxaan u arkaa inay tahay tii ugu wax-qabadka badnayd, waxaanan u arkaa tii Mucaaradku ugu adkaa, waayo? Illaa maalintii ay Xukuumaddani timi labada Xisbi Mucaarad may ahayn, waad ogeydeen wixii Xukuumadihii ka horreeyey ku dhici jiray, labada Gole Baarlamaan-na Mucaarad may ahayn. Waxa weeye Xukuumaduhu inay midaysnaadaan oo Kooxda ku wada jirtaa isku xidhnaadaan oo dhinac wax u wadadaan. Ammaanta aan u hayaa Xukuumadda waxa weeye taa Cali-Guray qiray oo waa tii ugu wax-qabadka badnayn, waana tii ugu mucaaradka yarayd, laakiin waxaan leeyahay waa Xukuumaddii iyadu isugu Mucaaradka badnayd.”

Wasiirka Duulista Somaliland Maxmauud Xaashi waxa ka jawaabayey hadalka hore ee Duur, waxa uu ku dooday inay wax badan qabteen, isla markaana dalka ballaadhiyeen oo Khariiraddii Somaliland taagnayd Maamul ahaan markii ay xilka la wareegeen mid ka durugsan maamulka gaadhsiiyeen, isla markaana ay keeneen horumar iyo in indhaha caalamka ay Somaliland ku soo jeediyeen, balse waxa uu qiray werwerka dhinaca dib-u-dhaca doorashooyinka ay Beesha caalamku ka qabto, waxaanu yidhi; “Arrinta-se ku saabsan dhinaca doorashooyinka, waan qirayaa in Beesha caalamku werwer ka muujinayso dib-u-dhaca doorashooyinkeenna, inay soo noqnoqonayeen, taas waan qirayaa, Beenaale Markhaatigiisuu fogeeyaaye waa caddaan taasi. Taasina muujin mayso in Somaliland laga quustay ama ay magac madow yeelatay oo haybaddeedu hoos u dhacday.”

Duur oo ka jawaabayey waxa uu diiddan yahay, maaddaama oo Maxamuud Xaashi ku dooday inay dalka meel fiican marinayaan dhinaca maamul-fidinta iyo horumarka-ba, waxa uu isagu diiddan yahay ama dhalliilsan yahay, waxa uu yidhi; “Kollay dhalliisha ku fogaan maayo oo Xukuumaddaan shalay ka tirsanaa, balse waxaan doonayaa inaan si guud wax u tilmaamo, dawladda Somaliland intii ay jirtay ee ay joogtay illaa maanta cid aan wax qabani ma jirto, midibana meel bay soo gaadhsiisaa, halkii Xukuumadda KULMIYE loogu dhiibay waxbaa ku biiray, laakiin su’aashu waxay taay yaan wax qaban? Soomaalidu waxay tidhaahdaa wax-matare ma jiro iyo wax-yar-tare ayaa jira. Cid aan wax qabani ma jirto. Tamarta wax qabad uun baa la kala badnaa. Ta labaad wax-baan qabtay ammaan masuul-ba maaha, hadday aniga tahay iyo hadday Maxamuud tahay-ba iyo hadday Xukuumad tahay-ba, waayo? Masuulka waxa loo igmaday inuu danta guud ka shaqeeyo. Waxbaan qabtay, dee wuxuu ku qabtay tamar uu leeyahay iyo talo kale kuma keenine maalkii ummadda laga qaaday ayuu wax ku qabtay.”

“Dawladnimada iyo Faanku halka uu ku jiraa halkaas maaha, ee halka ay ku jirtaa waxa weeye waa Sharciyadda, La-xisaabtanka iyo hufnaanta, halka lagu faani karaa waa halkaas, halka laga eegi karaa waa halkaas. Halka dawladda aan ka tirsanaa laga dhalliili jiray immikana laga dhalliilaa waa halkaas Cali ku dhuftay, waa raacista sharciga, waa dhawrista sumcadda, waa la xisaabtanka iyo is-dabaggalka, waa hufnaanta iyo waracnimada. Maanta inta innoo hadhsani waa intii Sharciyada la innooga tegay oo aynu leenahay waar ma raacnaa oo maka deynaa qofnimada. Haddii hal Milyan dawladda la iigu dhiibo oo hortayda aan afar qol ku dhiso wax baan qabtay, laakiin maxaa la igu cabbirayaa inaan lacagtaa wax ku wada qabtay iyo in kale. Dee mabaannaan arag la-xisaabtanka markaan joogay iyo illaa maanta oo Maxamuud joogo la is-maba arko.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur).

Sidoo kale, Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa isaguna sheegay in caddaalad-darro badani dalka ka jirto, isla markaana aan Sharciga dalka u yaalla lagaga dhaqmin boqolkiiba hal wax gaadha, waxaanu yidhi; “Waxa wax lagu xukumaa waa Sharciga, immika 0%-kiiba wax u dhigma ayaa Sharciyadda dalka wax lagu maamulaa, waxaa wax xukuma qofafka ee qaynuunka maaha. Dawlad-wanaagguna wuxu ku hirtaa inuu xukunku noqdo qaynuunku, qabyaaladdu heerka ay maamulkeenna kaga dhex-jirto waa taariikhda halkii ugu xumayd ee ay gaadho.”

“Saaxiibkay Duur halkan ku yooyootami mayno, Golaha Wasiirrada ayaannu ka wada mid ahayn, wuxu ahaa Wasiir awood wayn, Wasiirka Ammaankuu ahaa, Ragga dalka ugu awoodda wayn buu ahaa, Sharciga uu leeyahay lama raacana, Shalay Sharcigu waa kuu ku dagaallamayey ee uu ku hanjabayey ee uu dadka ku leynayey. Duur Doorashooyinkii 2012-kii, wuxu ahaa Wasiirkii lahaa; ‘Qarankani reer isu soo baxa oo meel Taayirro ku guba wuu dhaafay, Sharciguu ku shaqaynayaa. Wuxu ahaa kii lahaa Nin weyn oo Siyaasi ah (Dhego-wayne); ‘Hebeloow Dab soo hunqaac’. Isagoo Dhego-weyne sheegaya. Dee Saaxiibkay Duur waxaan leeyahay, dalku waa kii, Xukuumadduna waa tii, adiguun baa naga tagaye Sharcigana sidii ayuun baannu u raacaynaa oo u fulinaynaa, immikana adiga hadday ku qabsato waannu kugu fulinaynaa.”

Sidoo kale, waxyaabaha ay dooddada lagaga faallooday waxaa ka mid ahaa dhalliilaha ay Siyaasiyiinta Mucaaradku u jeediyaan Madaxweyne Siilaanyo ee ah inaanu dalka isagu maamulin ee ay cid kale ka faa’iidaysatay awoodaha sharci ee uu Madaxweynuhu leeyahay. Waxaanu Maxamuud Xaashi ku dooday in Madaxweyne kastaa uu la-taliyeyaal leeyahay, Madaxweyne Siilaanyana uu kuwaasuun ka mid yahay. Hase-yeeshee, waxay xubnaha kale ee Mucaaradku ku doodeen in arrintaasi jirto oo ay cid kale ku takri-fasho awoodaha Sharciga ah ee Dastuurku siiyey Madaxweynaha la doortay Md. Siilaanyo, taasoo aanay keligood arkayn sida ay ku doodeen, balse ay Bulshada caalamkuna la qabto oo ay baadhitaan ku sameeyeen arrintaas, xaqiiqsadeenna in dad magiciisa isticmaalaya, oo xigtaysanaya oo xumaynayaa inay gacanta ku hayaan Maamulka. Laakiin, Cali iyo Duur waxay ammaaneen Shaqsiyadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay ku tilmaameen mid aad u fiican.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment