Wednesday, June 10, 2015

Garyaqaanka Guud oo ka hadlay sababta Xafiiskiisu Afka uga xidhay Khilaafka Sharci ee muddo-kordhinta

Hargeysa, 10 June, 2015 (Himilo)- Garyaqaanka Guud ee Dowladda, Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa markii u horeysay iftiimiyey sababaha xafiiskiisu uga hadli waayey khilaafka sharci ee ka taagan go’aankii muddo-kordhinta iyo dib-u-dhaca doorashooyinka.

Ibraahim Iidle Saleebaan oo ah masuul ku magacaaban digreeto madaxweyne, waxa uu ku dooday in sababta xafiiska garyaqaanka Guud uga gaabsaday muranka sharci ee muddo-kordhinta ka taagani tahay inaanu u gacan-dhaafin hay’adaha dastuuriga ah ee waajibkoodu yahay inay ka gar-sooraan ama go’aan ka gaadhaan xalka khilaafka.

“Sababta anu uga gaabsanay waxa weeyi, maadaama xafiiska Garyaqaanka Guud uu yahay mid sharci, hadduu ka hadlo saamaynteesa ayey leedahay,” Sidaas ayuu yidhi Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.

Garyaqaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Sidaa darteed, maadama oo laga yaabo inay hay’ado sharci ama garsoor gasho, si aanay saamayn ugu samaynin go’aamada markaa taagan ama bulshada muran uga dhex-abuurin ayuu Xafiiska Gar-yaqaanku uga gaabsaday,” ayuu yidhi Garyaqaan Ibraahim Saleebaan.

Waxa kale oo garyaqaanku ka hadlay wax-qabadka xafiiskiisu ku tallaabsaday muddadii uu jiray, isaga oo sheegay inay faafinta rasmi ah ee Qaranka ku baahiyaan xeerar fara-badan oo hay’adaha sharci-dejinta ka soo baxay.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment