Thursday, June 4, 2015

“Gefka Go'aanka Guurtida”-W/Q Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd)

Doorashooyinkii Soomaalilaand oo dastuur ahaan dhici lahaa 26/6/2015 waxaa cad in ay baaqdeen. Golaha Guurtidu wax ay gaadheen go'aan la wada filayay oo ay muddada xilka ugu kordhinayaan golahooda, Wakiillada iyo Madaxtooyada intaba. Aad ayay bulshadu arrinta uga qaylisay, qayladaas oo ku taxan sida markii horeba qabsoomidda doorashooyinka looga cagajiiday ee xilkeeda loo gudan waayay.
Taasi waa masalo, waxase ka daran qodobbo ay Guurtidu muddo kordhinta ku salaysay oo qaarkood aanay lahayn sabab sharci ah, qaarkoodna aan dalkaba waxba ka gelin. Qodobbadaa waxaa ku jira mid halis ah oo ay ahayd in laga doodo lagana dhiidhiyo aanse juuq laga odhan.
Bayaankii muddo kordhinta ee Guurtida waxa ka mid ahaa, maalintii dambena Guddoomiye Saleebaan Golaha hortiisa ka caddeeyay, in aan doorasho dhici doonin inta degaannada Bari gacanta Soomaalilaand ka maqan yihiin, iyo inta aan nabaddoodu sugnayn, iyo inta aan doorasho xor iyo xalaal ah laga qaban karin degaannadaas.
Go'aanka qodobkaasi yaab iyo baqdinba wuu leeyahay. Waa marka hore ee arrinta degaannada Bari ma wax cusub baa sow wax weligeedba jirtay ma aha? Waa marka labaad ee goormaa dastuurka lagu daray taasi in ay doorashooyinka baajin karto ama shardi u noqon karto?
Xaqiiqada meesha ku jirta oo aad mooddo in aan lagu baraarugsanayni wax ay tahay, Golaha Guurtida oo guddoomiyuhu ugu horreeyo waxaa u qoondaysan in dimuqraadiyaddii iyo doorashooyinkii Soomaalilaand sidaa lagu soo afjaro asalkaba.
Dhaqan kelitalisnimo iyo xukun jeclaysi ah ayaa sida muuqata u sabab ah arrintan. In ay sidaa noqoto waxaa qayb ka ah xubnaha Golaha Guurtida oo ay ka buuxaan dad aan hawlkar ahayn aqoon ahaan iyo itaal ahaan, oo aan garan karayn qorshaha caynkan ah ee golahooda ka socda iyo aayo xumada ka dhalanaysa.
Sida la garan karo golaha iyo guddoonkiisu in ay sidan wax u qorsheeyaan waxaa keentay doodda dadweynaha ka dhex aloosan ee ah waxa laga yeelayo galahaas oo noqday dhaxaltooyo iyo sharci darro. Axmed-Siilaanyo kolkii uu mucaaradka ahaa aad buu u karaahiyaystay tayo xumada golaha iyo qaabka aan sharciga ahayn ee uu ku dhisan yahay, iyo sida uu golahaasi u hakiyay hayaanka dimuqraadiyadaynta dalka. Waxaana sida la og yahay Axmed-Silaanyo ku jirtay fikrad ah haddii uu madaxnimada ku guulaysto in uu dhibaatadan wax ka qabto.
Ha ahaatee nasiib xumo kolkii uu madaxnimada gaadhay fikirkii sixitaanka wax uu ka doortay kuna beddeshay isaga qudhiisii in uu tabtii Cigaal iyo Rayaale golahaa ugu danaysto. Dabadeed dantii umadda iyo dawlad wanaaggii loo socday ayaa faro dhexdood ka baxay.
Waa maxay haddaba aayaha ka dhalanaya qorshaha qarriban ee Golaha Guurtidu doorashooyinkii dadweynaha ku gawracayo? Siinaariyada muuqataa waa sidan: 1) Awoodda dalka oo si buuxda u gelaysa gacanta Golaha Guurtida oo keliya. 2) Doorasho dadweyne oo dambe oo aan dhici doonin. 3) Golaha Wakiillada ee waqtigiisii dhammaaday oo sidan ku sii joogi doona isaga oo aan waxba ahayn, sida Guurtidana noqon doona dhaxaltooyo.
4) Madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka waxaa shantii sannadoodba mar dooranaya Golaha Guurtida kana ansixinaya Golaha Wakiillada ee inqilaabka ah. 5) Hannaankii dimuqraadiyadda iyo dawlad wanaaggu halkaas buu ku gawracan yahay. Waa haddii qorshahaasi hirgalo.
Sida la og yahay Guurtidu asal ahaan waa gole ay jabhaddii SNM u dhisatay in ay bulshadii halganka ku jirtay ku abaabusho, isla markaa ka dhigato tub ay reeraha u marto. Markii dalka la soo galay ee SNM qudheedii is wada laysay ayaa haddana mar kale Golaha loo baahday si dadka loo nabadeeyo.
Kolkii la heshiiyay ee dawladnimada la wada qaatayna golaha waxa laga dhigtay meel wax laga bilaabo iyo madal la wada leeyahay oo la is ku aammino. Intaas oo marxaladoodba waxaa baahi weyn loo qabay odayo xul ah oo reeraha matala oo taladooda lagu wada kalsoonaan karo. Aqoon iyo wax kale tooni shardi uma ahayn keenista xubinta Guurtida aan ahayn in ay reerkiisu soo dirteen.
Iyada oo ay sidaa soo ahayd baa loo gudbay marxalad dawladeed oo cusub. Waxaa la qaatay hannaanka dumuqraaddiga ah, hannaankaas oo awoodda oo dhan dadweynaha siinaya. Dadweynuhu waxa uu doortay dastuur, gole wakiillo, madaxweyne, madaxweyne xigeen iyo golayaal degaan.
Garasho ahaan daqiiqaddii ay golayaashaa la doortay ansax noqdeen ee awooddii dadweynuhu meelmartay ayuu Golaha Guurtidu waayi lahaa awood kasta oo ka sarraysa ta golayaasha shacbigu doortay, waayo gole dadku doortay ma hoos iman karo gole aan la dooran. Yeelkeede sidaas baa dhacday, oo xitaa dastuurka kuma qeexna sida loo kala basrinayo doorashada dadka iyo golahaa gaboobay ee duruuftiisii laga soo gudbay.
Afgembiga Golaha Guurtida ka socdaa waa qayb ka mid ah mu'aamarad intaa ka sii weyn oo Soomaalilaand maanta laga wado. Golaha xukuumadda, Golaha Wakiillada, Golaha Guurtida, ganacsato waaweyn in dadyow kale ayaa sida muuqata ku gaashaanbuuroobay in Soomaalilaand la geliyo xaaladdan nadaam la'aanta ah ee ku soo fool leh. Waa foolxumo iyo xilkasnimo darro aan dunida soo marin maalinta ay taariikhdu noqoto 26/6/2015 in aanay Soomaalilaand ka jiri doonin hay'ad qarameed qudha oo sharci ahi. Mana aha wax iska dhacay ee waa waxay nimanka siyaasadda dalka ku loofarayaa ogaan u qorsheeyeen.
Ujeedkuna waa in ay dawladnimada gebigeedaba ka dhigaan oo qudha waxay iyagu koox ahaan ku danaystaan. Bulshada waxaa maskaxda iyo akhlaaqda lagaga dullaysanayaa hadaltiro ah "doorashadii baa waqtigeedii la qaban kari waayay". Laakiin sababta loo qaban waayay iyo cidda qaban wayday ka jawaabi maayaan. Qabashada Doorashooyinka Qaranka ma jirto xilkeeda cid la lahayd kooxaha foolxumooyinkan samaynaya qudhooda.
Umaddu waa in ay qof walba iyo gole kasta oo ay xil u dhiibatay la xisaabtantaa, oo ku abaalmarisaa ama ku ciqaabtaa xilgudashadiisa iyo gudasho la'aantiisa. Haddii kale dawladnimadu waxay noqonaysaa maqaar ay koox danley ahi dadka hebedka ah ku godosho oo ku maasho.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment