Xoghayaha Jaamacadda Carabta Nabiil Al-Carabi, ayaa baaqaan diray ka dib kulan ku qabsoomay Xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira, halkaas oo ay goob-joog ka ahaayeen Danjiraha dalkaasi Soomaaliya u fadhiya Qaahira iyo Safiirka dalka Yemen ee dalka Masar.

“Waxaan qaadaynaa Tallaabo aan uga Jawaabayno baahida Qoxoontiga Waddanka Yemen ee ku sugan Soomaaliya iyo Yemen, kulammadayada soo socdana waxaan xoogga ku saareynaa xaaladaha aadaminnimo ee Qaxooniga ku sugan Soomaaliya.” Sidaa ayuu yidhi Nabiil Al-Carabi.
Nabiil Al-Carabi, ayaa xusay in uu jiray baaq kaga yimid dawladda Jabuuti bishii May ee sannadkan, kaasoo Jabuuti ay kaga dalbatay Jaamacadda Carabta iyo Samafalayaasha caalamiga ah in gargaar Cunno iyo Dawo ah lala soo gaadho Qaxoontiga ku sugan dalkeeda ee dagaallada Yemen ka soo barakacay.
Magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil, waxa bilihii u dambeeyey soo gaadhay Kumanaan Qaxoonti isugu jira Soomaali iyo Carab oo ka soo cararay dagaalada ka socda dalka Yemen, kuwaas oo xeryo looga sameeyey magaalada, halka Qaxoontiga badankiisa oo ahaa Soomaali u dhalatay waddanka Soomaaliya ay qaarkood u safreen deegaannada maamul-goboleedka Puntland, gobollada dhexe iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso ee Soomaaliya, ayaa iyaguna bilhii u dambeeyey waxa soo gaadhay Qoxoonti kasoo Cararaya dalka Yemen, kuwaas oo isugu jira Soomaali, Carab iyo Itoobiyaan.
Waddamada Geeska Afrika ee marti-galay waxa ka mid ah waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay ku sugan yihiin boqolaal Qaxoonti u badan muwaadiniin u dhalatay waddanka Yemen oo ay ku jiraan qoysaska masuuliyiin xilal ka hayay ama ka soo qabtay dalka Yemen.
Baaqa Jaamacadda Carabta, ayaa imanaya iyadoo Yemen ay weli ka socdaan dagaallo aad u xooggan oo u dhexeeya Xuuthiyiinta Yemen iyo Ciidammada dawladda dalkaas, kuwaasoo ka socda magaalada Cadan oo ku taalla Koonfurta Yemen.
Dalka Sacuudiga iyo Xulufadiisa ayaa Weerarro Cirka ah ku qaaday dalka Yemen, ka dib markii kooxaha Xuuthiyiinta Shiicada ah ay meesha ka saareen dawladdii Madaxweyne Cabdulrabbi Haaddi oo hadda ku sugan isagoo baxsad ah Magaalada Riyadh ee xarunta waddanka Sucuudiga.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment