Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdirashiid C Sharmaarke oo dhowaan xarunta Qaramadda Midoobay ka hadlayey ayaa sheegay inuu sadaalinayo inay ka guulaysanayaan xoogagga Al-Shabaab dhamaadka sannadkan.
Balse Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cabdisalaan Omar oo wax laga weydiiyey saadaasha raysal-wasaarihiisu ka sheegay guul ay ka gaadhaan dagaalamada u dhexeeya maleeshiyaadka Shabaab, ayaa hadalkaas ku sheegay mid aan xaqiiqada ku fadhiyin.Balse waxa uu raysalwasaarihiisa ku ayiday saamayn dhinaca ammaanka ah oo qaxoontiga Yemen ku keeni karo gobolka, waxaanu yidhi, "Yemen xaalkeedu waa caqabad weyn. Way nasoo dhoweeyeen markii aanu baahanayn oo Soomaali gaadhaysa 250,000 ayey qaabileen. Xilligan,. sidaa oo kale ayaan samaynaynaa, balse ma hubno dadka soo laaban doona cidda ay yihiin, laakiin Soomaali iyo Yemeniyiin fikirkooda ay soo bedeleen Al-qaacida ayaa isku soo dhexqarin karta."
Werwerka qaxootiga ka soo laabanaya dagaalada Yemen ayuu sidoo kale qabaa xoghayaha Qaramadda Midoobay Ban Ki-moon, oo ka digay Halis qaxootiga ka soo cararaya Yemen ku yeelan karaan Geeska Afrika, isagoo sheegay inay taasi noqon karto marin ay kooxaha Xag-jirka ahi u soo mari karaan Soomaaliya iyo Somaliland.
“Marka laga tago magaalada Muqdisho, deegaamada kale ee Koonfurta Soomaaliya waxa haysta Shabaab, laakiin meelaha halista koowaad ku yeelan karaan qaxootiga ka soo laabanaya Yemen waa Somaliland iyo maamulka Puntland oo baddi ah meelaha ay ku soo laabanayaan,” Sidaas waxa yidhi Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay oo ka hadlayey arrintan.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment