Wednesday, June 10, 2015

Mudaneyaal Wakiillada ka tirsan oo shir Caalami ah ka qayb-galay Dalka Jamaica iyo Arrimaha lagaga hadlay

New Kingston, 10 June, 2015 (Himilo)- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa lagu marti-qaaday shir caalami oo ay ka qayb-galeen in ka badan 40 dowladood oo qaaradaha kala duwan ee adduunka isaga yimi, kaas oo muddo todobaad ah ka socday magaalada New Kingston ee waddanka Jamaica ee qaaradda Ameerika.

Shirka waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Baaralmaanka waddanka Shirka lagu qabtay ee Jamaica, Guddiyada La-xisaabtanka iyo daba-galka u qaabilsan baarlamaannada dalalka ka soo qayb-galay iyo Hanti-dhowreyaal.

Shirkan oo Axaddii todobaadkan la soo gebo-gabeeyey, waxa ka qayb-galay wefti Xildbibaannada Golaha Wakiillada Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Maxamed Cali Xirsi oo ay ku weheliyeen Xildhibaan Naasir Xaaji Cali iyo Xildhibaan Bukhaari, waxaana ujeeddadiisu ahayd kor-u-qaadista hawlaha baarlamaanka ee ay ka mid yihiin la-xisaabtanka iyo kor-u-qaadista habka horjoognimo ee Baarlamaannada dunida.

Sida lagu sheegay war-qoraal kooban oo ka soo baxay Qaybta Xidhiidhka Saxaafadda ee Golaha Wakiillada, waxa shirka warbixin ka jeediyey Guddoomiyaha Guddida daba-galka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee golaha wakiilada Maxamed Cali Xirsi oo si qoto-dheer uga warramay sooyaalkii taariikheed ee Somaliland, nidaamka dimuqraadiyadda ee ka tis-qaaday, Hawlaha Baarlamaanka iyo sida uu u shaqeeyo, Miisaaniyada iyo heerarka ay marto iyo hay’adaha kala duwan ee ay shaqadooda tahay.

Waxa kale oo warkan lagu sheegay in Guddoomiye Maxamed Cali Xirsi warbixintiisa ku faahfaahiyey hawl-qabadka Guddida daba-galka iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa ee Golaha Wakiillada iyo sida ay ula xisaabtanto Hay’adaha Dawliga ah.

Shirkan oo aan ahayn kii u horreeyey ee ay ka qayb-galaan mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, balse noqonaya kii u horreeyey ee ay socdaal shaqo ugu tagaan waddamada Qaaradda Ameerika, waxa mudaneyaasha u qoondeeyey inay ka qayb-galaan isla markaana u diray shirka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Xildhibaan ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada ugu jira Xisbiga Kulmiye oo todobaadkii hore saxaafadda la hadlay, ayaa guddoomiyaha Wakiillada ku eedeeyey inuu qoqob-naan iyo kala-qaybsanaan ka dhex-abuuray mudaneyaasha golaha, shirarka dibadaha loogu baxana lagu xulo nin jeclaysi, waxaanu si gaar ah uga hadlay mudaneyaasha loo diray shirkan oo uu sheegay in guddoomiyuhu si gaar ah u xushay.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment