Sunday, June 7, 2015

Soomaaliya: Baarlamaan ka soo horjeestay dhismaha baarlamaan kale

Muqdisho, 07 June, 2015 (Himilo)- Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, ayaa cod aqbaliyad ah ku qaaddacay mooshin ku saabsan dhismaha baarlamaanka maamul goboleedka Jubaland ee dalkaas oo mudaneyaal u soo gudbiyeen Golaha Baarlamaanka fadhigoodu yahay Muqdisho.
SOOMAALIYAMudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo deegaan ahaan u dhashay dhulka uu ka taliyo maamul-goboleedka Jubaland, ayaa soo diyaariyey mooshinkan oo la doonayey in lagu ansixiyo dhismaha baarlamaanka maamul-goboleedka Jubaland oo muran ka dhex-dhaliyey dowladda dhexe ee dalkaas. Haseyeeshee, markii ay xildhibaannadu fadhigoodii shalay ku guda-galeen doodda mooshinkan, waxa ka soo horjeestay isla markaana diiday in la ansixiyo 132 mudane oo ka tirsan 142 mudane oo codkooda dhiibtay, iyadooda ay fadhiga ka soo xaadireen 150 xildhibaan.
Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa codeynta kaddib billaabay inay Sac-biyaan, qaarkood ay ku dhawaaqaan erayo ay ku taageerayaan in la diiday Baarlamaanka Jubaland oo ay ku eedeeyeen mid aan si sax ah loo soo xulin.
Arrintan ayaa khilaaf xooggan soo kala dhex-galin karta maamul-goboleedka Jubaland iyo dowladda Muqdisho oo loo arkay inay dabada ka riixaysay mooshinka lagaga soo horjeedsaday dhismaha baarlamaanka maamul-goboleedkaas.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment