
"Umulisooyin dedaala ayaan tahli Karin adeesiga xirfadahooda, maadama aanay haysan agabkii u sahlayey shaqada,” ayuu sheegay Frances Ganges, Agaasimaha Fulinta ICM. "Ku taageerida umulisooyinka agabkan iyo xirfada loo baahan yahay, waxay kaalmaynaysa ain hooyooyinka iyo ubadkoodu badbaadaan xilliga dhalmada."
Agabkan umulisooyinka oo laba sannadood iska kaashanayeen Direct Relief iyo ICM, ayaa shandad walba ku jiraan 59 shay oo umulisadu u adeegsato xiiliga dhalmada.
"Waa muhiim in umulisada xirfada leh hesho agab u sahla gudashada waajibkeeda," ayuu sheegay Gudoomiyaha hay’ada Direct Relief Thomas Tighe.
Agabkan umulisooyinka oo la sheegay in qiimahiisu yahay $1,250 ayaa la sheegay in loogu qeybin doono bilaash umulisooyinka afar wadan oo dalalka soo koraya ah si umulisooyinku si waafi u gutaan shaqadooda.
Ururka Umulisooyinka caalamka ayaa sheegay inay u qeybin doonaan xarumaha Medical Research Centre ee dalka Sierra Leone, Africare and Last Mile Health ee dalka Laybeeriya, IPI Foundation, Inc. ee dalka Filibiin iyo xarunta cusbitaalka iyo jaamacada Adna Adan ee dalka Somaliland.
"Ma awoodo inaan iibsado agabkan umulisada aan baahida weyn u qabo," ayey sheegtay umuliso u dhalatay dalka Filibiin Jessievel Soria, oo fursad u heshay helitaanka agabkan bilaash. "Waa wanaag helitaanka agabkan, oo iga caawin doona inaan shaqadayda sii wato."
Dhinaca kale, agabkan ayaa qeybtii loo qorsheeyey xarunta Cusbitaalka iyo Jaamacada Edna Adan ee Somaliland la sheegay in 10 bishan xaflad wasaarada Caafimaadku qabanqaabinayso lagu gudoonsiin doono umulisooyinka Somaliland inta ay ka gaadho, inakstoo aan la sheegin xadiga loo qorsheeyey wadan walba
Himilomedia.com
Hargeisa-somalilandd
No comments:
Post a Comment