Weerarkan ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen ugu Yaraan 17-qof oo Kenyan ah, kuwaas oo ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kenya.Weerarka ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen dad rayid ah oo ku sugnaa xaafada Barmoko oo kamid ah xaafadaha hoostaga degmada Lamu ee dalka Kenya, halkaasi oo ah jaziirad ku taala dalka Kenya.
Taliyaha ciidamada booliska ee jaziirada Lamu ee dalka Kenya ayaa dhankiisa xaqiijiyay ku dhawaad 20 ruux oo ku sugnaa xaafada Barmoko ee dalka Kenya, halkaasi oo markale ay Alshabaab weerar ku qaadeen.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay dhankooda sameeyeen dadaalo dheeraad ah oo ku aadan inay ka hortagaan weeraro kale oo Alshabaab ay doonayeen inay ka geystaan dalkaasi gaar ahaan magaalooyinka dhanka xeebaha Kenya ku yaalla.
Afhayeenka dhanka dagaalka ee ALshabaab Sheikh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay wakaalada Wararka Reuters ayaa sheegay in weerarkaasi labaad dad badan ay ku dileen dhankoodana ay sii wadayaan weerarada ay la eeganayaan Alshabaab.
Wararka weerarka la xidhiidha ayaa sheegaya in Alshabaab ay gubeen guryo badan oo ku yaala xaafada Barmoko ee dalka Kenya, halkaasi oo markii labaad maanta ay weerar ku qaadeen sida uu sheegay afhayeenka dhanka howlgalada ALshabaab.
Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay weerarkaasi Alshabaab ay geysteen, kadib markii warsaxaafadeed uu soo saaray xoghayaha guud ee QM Ban Ki-Moon.
Dawladda Kenya ayaa salba-bax iyo baqdin kaga jawaabtay Weerraradan aan kala Go’a lahayn ee Kooxda Shabaabku ku qaadayaan Deegaanada Kenya ka Tirsan, waxana uu Madaxweynuhu afkiisa ka sheegay in weerarrada Noocan oo kale ahi ay yihiin qaar siyaasadi aanay ka madhnayn.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment