Tuesday, June 17, 2014

Qaybo ka Mid ah Badweynta Taariikh-nololeedkii Saaxiibkeen MM. Kastan




By: Cabdirashiid Cali Sheekh – Q.3aad


 Weligii ma taageerin mid ka mid ah xisbiyada siyaasadda ee Somaliland, kuwaas oo uu aaminsanaa inay ka madhan yihiin mabaadi’da aasaasiga ah ee axsaabta dimuqraadiga ah lagu kala raaco, kuna dhisan yihiin qabyaalad iyo caadifad aan xikmad ku fadhiyin oo lagu kala riixdo kuraasta qaranka oo ah halka hantida ummadda rag badani kaga baahi baxeen, sidaa daraadeed marnaba ma uu codayn shantii doorasho ee dalka ka qabsoomay intii uu noolaa sababahaas awgood.


Waxa uu ahaa nin aad u neceb qabashada xilalka goor kasta baratanka iyo dagaalka loogu jiro gaadhistooda, isaga oo garashadiisii dheerayd iyo aqoontii badnayd ee uu lahaa tustay halaaga iyo ciqaabaha ka dhalan kara if iyo aakharaba marka la dayaco masuuliyad ummadeed, waxaannu badi madaxda dawladaha Afrikaanka u yaqaanay qaar ujeeddada ay kuraasta u raadsadaan tahay inay keligood ka macaashaan oo aanay waxba u qaban cidda ay madaxda u yihiin, isagoo mar walba ka digi jiray xisaabta adag ee aakhiro ku sugaysa madaxda ummadaha iyo sida aanay maanta u dhaadayn.


Waxa uu ahaa aabbo wanaagsan oo ubadkiisa u jeexay jid habboon iyo akhlaaq suubban oo ay noloshooda ku maarayn karaan, waxaannu si gaar ah u bari jiray diinta Islaamka, laasimidda cibaadada Ilaahay addoomihiisa baray iyo qaababka ugu fiican qofka bani’aadamka ah u qorshaysan karo noloshiisa si uu if iyo aakhiraba ugu liibaano, iyadoo ababintaas fiicanna u suurtogelisay carruurta uu ka tagay inay noqdaan kuwo aad uga dhexmuuqda ubadka dhiggooda ah ee reer Somaliland ka hor intii aanay dalka ka dhoofin muddo hadda laga joogo siddeed bilood.


Sifooyinkaas faraha badan ee aan kor ku soo sheegay iyo qaar kaloo aan hubo in qallinkaygu seegay oo uu gaar u lahaa marxuum Kastan, isla markaana ay adagtay in hal qof wada kulansado, ayaa u saamaxay inuu noqdo shamac nuurkiisa la wada eegto oo ka dhex muuqda bahda saxaafadda iyo qallinlayda reer Somaliland oo uu ku dhex lahaa sumcad ballaadhan, wanaag fara badan iyo boqollaal saaxiib oo aan hubo inay kaalintiisii si weyn u tabi doonaan.


Qaybta 3aad


Allaah u naxariistee saaxiibkeen marxuum MM.Kastan oo aniga shaqsiyan geeridiisii naxdinta lahayd si gaar ah ii taabatay, waxa aannu saaxiibbo aad isugu dhow ahayn muddo 16 sannadood ka badan oo ay yar tahay in aannu maalin qudha kala maqnaanno. Waxaan aaminsanay inuu ahaa qof noociisii oo kale dunida naadir ku yahay iyo tiir-dhexaad aqooneed oo aan kaalintiisii si weyn u tabi doono, maadaama uu aniga iyo boqollaal suxufi oo ila mid ah u ahaa macallin aan ka faa’iidaystay duruus badan oo la xidhiidha nolosha iyo waayaheeda iyo weliba sida looga dabbaasho dhibaatooyinka aadamaha ka horyimaad.


Raadadka aan mar qudha maskaxdayda ka baxnayn ee saaxiibtinimadii weyanyd ee naga dhexaysay igaga tagtay waxa ka mid ah qiso yar oo muujinaysa sidii aannu isugu dheerayn marxuumka oo ahayd sidan: Inta badan maalin kasta marka aannu kulanno saaxiibkaygii wedku na kala qaaday waxaan caado u lahaa in baabacada gacantayda midig saaro bidaartii madaxiisa, kadibna inta uu qoslo ayuu igu odhan jiray hadalkan xikmaysan; ‘MADAXU WAA XUDUUDAHA GAARKA AH EE QOFKU LEEYAHAY EE TAABASHADIISU CID KASTA KA CAAGGAN TAHAY, LAAKIIN ADIGU [Cabdirashiid Cali Sheekh] WAXAAD NASIIB U YEELATAY INAAD NOQOTO QOFKA LABAAD EE AAN U OGGOLAADAY TAABASHADA MADAXAYGA… BIDAARTAYDA WAXA TAABTA OO KELIYA ADIGA [aniga] IYO WIILKAYGA AAN AADKA U JECELAY EE MUNIIR [wiilka ugu yar carruurta marxuumku ka tegay], SIDAA DARTEED OGOW INAAD DADKA KALE OO DHAN IIGA DHOWDAHAY OO AAD IILA MID TAHAY WIILKAYGA YAR.’


Qisadaa yar ee aan tusaalaha u soo qaatay waxay ka mid tahay raadadka geeridiisii igaga tagtay, balse waxa jira kumanaan waxyaabood oo aan habeen iyo maalinba marxuumka ka faa’iidaysan jiray, sidoo kalena ila wadaagi jireen inta badan bahda saxaafadda Somaliland ee uu ka baxay.


Inkasta oo marxuum Kastan geeridooday, haddana waxa jira dhaxal aan weligii duugoobayn oo uu uga tagay ummadda reer Somaliland, waxaannu qoray meel walba laga heli karaa buuggaag tiro badan iyo mallaayiin qoraal oo uu ka sameeyey cilmigii iyo aqoontii aan la soo koobi karin ee uu xambaarsanaa, kuwaas oo ay dhammaantood ku duugan yihiin duruus aqooneed aad u qaali ah oo tilmaamaya tallaabo kasta oo aadamuhu ku gaadhi karo horumar iyo sida qofku ugu guulaysan karo halganka nolosha adduunyada.


Buuggaagta marxuumku qoray oo si weyn uga duwan noocyada kala duwan ee buuggaagta afka Soomaaliga ku qoran, marka loo eego nuxurka waxyaabaha ku xardhan waxa ka mid ah; BUSTAANKA XIKMADDA, WEHELKAAGA iyo BADWEYNTA NOLOSHA oo noqday buuggaagta ugu akhriska badan oo lagu iibiyo inta badan magaalooyinka dhulka Af-soomaaliga lagaga hadlo. Sidoo kale, waxa uu dhammaystiray qorista dhowr buug cusub oo uu qorshaynayey inuu maalmihii geeridiisa daabaco.


Muddo 23 sannadood ah oo uu marxuumku halgan adag ugu jiray inuu dadkiisa qallinka ugu tilmaamo wanaagga iyo siyaabaha horumar lagu gaadho waxa uu ka soo shaqeeyey wargeyska Jamhuuriya oo uu muddadii ugu dheerayd joogay iyo telefishannada Somaliland Space Channel, HCTV iyo Telefishanka Qaranka oo uu hadda ka shaqaynayey, iyadoo si weyn loogu xasuusan doono barnaamijyada dhaxalgalka noqday ee uu abuuray hay’adahaas warbaahineed iyo qaybaha kale ee saxaafadda maxalliga ah oo uu intooda badan si mutawacnimo ah ugu curiyey qormooyinka loogu jecel yahay.


Si kastaba ha ahaatee, maadaama aanay qof, laba iyo qormooyin ma soo koobi karin badweynta taariikh-noleedkii aadka u ballaadhnaa ee marxuumka iyo sifooyinkii caafimaadka qabay ee kulansaday, waxa aan cidna dafiri Karin inuu ahaa shaqsi cajiib ah oo saxaafadda Somaliland ku goblantay geeridiisii oo ay adagtay in la helo cid kaalintiisii buuxisa, waxaanan leeyahay dhammaanteen Ilaahay samir iyo iimaan ha innaga siiyo, isagana Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyo, iyadoo la innooga baahan yahay inay ka faa’iidaysanno cilmiga iyo waanooyinka qaaliga ah ee uu dhaxalkooda innooga tegay.


FG: Cid kasta oo doonaysa inay wax ka ogaato himiladii fogayd ee marxuumku lahaa iyo jihada wanaagsan ee qallinkiisu ku abbaarnaa si mug leh u dhuuxaan macnaha iyo xikmadaha yaabka badan ee ay xambaarsan yihiin buuggaagta iyo qoraallada tirada badan ee uu qoray intii uu noolaa. DHAMMAAD…


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment