Hargeysa (Himilo) ILLAAHAYnaxariistii jano hawgu deeqee marxuum Maxamed Maxamuud Kastam oo loo yaqaanay M M Kastam ayaa ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala caasimada hargeysa gaar ahaan xaafada xawaadle ee degmada 26-ka juun, ka dib markii xanuun culus oo kadis ahi i haleelay.
Xanuunka uu marxuum M M Kastam u geeriyooday oo aan ilaa haatan la aqoonsan ayaa waxa uu haleelay xilli uu marxuumku kalidii uu ku sugnaa gurigiisa, sidaasi awgeed ayaa saacado door ah ka dib la ogaaday geerida marxuum M M Kastam.
Illaahay naxariistii jano hawgu deeqee marxuum M M Kastam waxa uu ka mid ahaa suxufiyiinta iyo qorayaasha muddoda dheer ku soo jiray mihnada saxaafada iyo qoraalka ee u dhashay dalka somaliland.
Marxuum M M Kastam waxa uu ahaa shaqsi qiimo badan oo ilaahay ku manaystay akhlaaq, aqoon, karti iyo waayo-aragnimo xeel dheer.
Marxuum M M Kastam waxa uu ka mid ahaa suxufiyiinta iyo qorayaasha afka soomaaliga ee guud ahaan dunida aadka looga yaqaano ee la jecel yahay, waxaanu marxuumku ka mid ahaa suxufiyiintii tirada yaraa ee horseeday hirgalinta iyo hanaqaadka warbaahinta madaxa banaan ee dalka somaliland Marxuum M M Kastam waxaanu mihnadani ku soo jiray tan iyo ilaa aasaaskii qaranimada somaliland, isagoo ka hawl galay warbaahinta kala duwan ee isugu jirta wargeysyada iyo telefishanada kala ah JAMHUURIYA, MAANDEEQ , SLTV, HCTV, HIMILO IYO SLNTV oo uu haatan ka tirsanaa oo uu ahaa masuul sare oo la taliye u ah maareeyaha telifishanka qaranka.
Dhinaca kalena Marxuum M M Kastam waxa uu ahaa qoraa soo saaray buugaag qiimo badan oo xambaarsan xigmad xeel dheer.
Marxuum M M Kastam illaahay naxariistii jano hawgu deeqee waxa maalinta barito ah sagaalka subaxnimo lagu aasi doonaa xabaalaha xeedho ee ku yaala duleedka waqooyi ee magaalada hargeysa,
Bahda HIMILO MEDIA GROUP Guud ahaan waxay tacsi u dirayaan qoyskii,qaraabadii,ehelkii,asxaabtii,suxufiyiinta,qorayaasha iyo guud ahaan umadda somaliland oo illaahay uga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo, marxuumkana janadii fardowsa ka waraabiyo.
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment