Thursday, June 12, 2014

Madaxweyne Silaanyo Oo Tacsi U Diray Qoyskii Iyo Qaranka Somaliland Ee Uu Ka Geeriyooday Marxuum MMKastam

Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha jamhuuriyada somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa tacsi u diray guud ahaan umada somaliland, geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum M M Kastam.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha ayaa waxa uu u dhignaa sidan

TACSI MADAXWEYNE


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada Somaliland iyo Bahda Qorayaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii,  Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Kastam (M.M KASTAM) oo ku geeriyooday 11.06.2014 Caawa Hargeysa.

 

Marxuumka oo ka mid ahaa Aas-aasayaashii dhidibada u taagay saxaafada Somaliland, kana mid ahaa dadka fara-ku tiriska ah ee Alle hibada u siiyey Qoraalka mar walbana wax ka qori-jiray hadba wixii taagaan,

 

Waxa uu ka soo shaqeeyey Wargeys-yada iyo Television-nada Dalka intooda badan wuxuu indhaha u jeexay da’a yarta saxaafada maanta ku shaqaysa intooda badan oo uu tusaale u ahaa.

 

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, iyo Qorayaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment