Wednesday, June 11, 2014

AQOONTU WAA IFTIIN: Dhismaha Maktabad Qaran-W/Q KHALID MAXAMED AYJEEX




Bismilaahi Raxmaani Raxiim,


Waxa la bilaabay hirgelinta makabad qaran oo Somaliland yeelato, hubaashii waa tallaabo weyn oo hore loo qaaday. Aqoontu waxay aadamaha u horseedaa horumar adduun iyo aakhiroba leh, sidaa awgeed waxaan bogaadinayaa xukuumadda maanta jirta ee Somaliland oo runtii la odhan karo maalin walba waxay fulinaysaa horumar dhinac kasta ah, hadday noqoto dhinaca CAAFIMAADKA, WAXBARASHADA,KAABAYAASHA DHAQAALAHA, DIFAACA iyo qaar kale.


MAKTABADA QARANKU midbay kaga duwantahay dhinacyadaa kale ee hormarka laga sameeyey oo akhristoow waddamadu waxay isku dhaafeen ama u kala horeeyaan siday dadkoodu u kala aqoonta badan yihiin.


MAXAA ISKU XIDHAY AQOONTA IYO MAKTABADAHA?


Waa su’aal meesha ku jirta oo dadku is waydiin karaan. Aqoontu miyaanay ahayn ta lagu barto SCHOOL-ada MAC-HAD yada JAAMACADAHA IWM?


Tiraabtaasi waa run laakiin waa run kala dhantaalan oo wax ka maqan yihiin.


Dugsiyada iyo ha’adaha kale ee wax-barasho waxa lagu bartaa waxbarashada asaasiga ah iyo ta takhasuska, laakiin markay timaado in la sameeyo (RESEARCH) ama daraasaad iyo baadhitaan maktabaduhu waa meesha keliya ee lagu samayn karo baadhitaan arin cilmi ah.


Ta kale , ardayda dhigata dugsiyada iyo jaamacadaha marka loo diro (ASSINGMENT) waxay si fudud uga diyaarin karaan maktabada maadaama ay maktabada yaalaan boqolaal kun oo buugaag ah oo culuum kala duwan xambaarsan.


Akhrisku wuxuu koriyaa garaadka bani’aadanka (I.Q) oo kolba sidaad wax u akhrisato ayuu garaadkaagu u kordhayaa.


Waxbarashadu waxay bilaabantaa markuu qofku dhasho mana joogsato ilaa uu qofku ka dhimanayo oo maalin kasta oo nolosha qofka ka mid ahba waxbaa u kordhaya oo uu baranayaa sidaa awgeed waa inuu qofku sameeyaa wax akhris furan {free reading} .


Waxa iyana hal beeg caalamka ka noqotay in la qiyaaso celcelis ahaan siday shucuubta caalamku u kala akhris badan yihiin oo waxa aad maqlaysaa aduunyada waxa ugu akhris badan dadka USA  waxa ku xiga JAPANESE-ka, waa labada dal aduunyada ugu dhaqaalaha badan, markaa halkaa ka dhugo inay isku xidhanyihiin wax akhriska iyo horumarka shucuubta caalamka.


Waxaanay taasi ina tusinaysaa inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya wax akhriska iyo hourmarka aduunyada inakuna MUSLIM ahaan waaba layna faray oo aayadii ugu horesay ee QUR’AANKA waxa NEBI MAXAMED (NNKHA) lagu faray {IQRA} oo macnaheedu yahay akhri. Sidaa awgeed waa inaynu dadka diimaha kale haysta kaga horaynaa wax akhriska iyo barashada culuumta kala duwan.


MAKTABADAHA UGU CAANSAN ADUUNKA :-


MAKTABADA QARANKA EE INGIRIISKA (THE BRITISH LIBRARY)


Waa maktabada qaranka ee UK waxa yaala ilaa 14 oo buug waana maktabada aduunka ugu weyn sida la sheego waxayna ku taalaa LONDON.


MAKTABADA QARANKA MARAYKANKA ( THE LIBRARY OF CONGRESS)


Waa maktabada labaad ee aduunka ugu weyn amaba waxa la odhan karaa waa ta ugu weyn waxayna ku taalaa WASHINGTON waxaana la asaasay sanadkii 1800


MAKTABADA QARANKA FARANSIISKA ( NATIONAL LIBRARY OF FRANCE)


Waxay ku taalaa magaalada caasimada ah ee PARIS waxayna ka mid tahay maktabada ugu waaweyn uguna caansan aduunka waxaana yaala buugaag lagu qiyaaso 7 million oo buug


MAKTABADA QARANKA EE AUSTERIA ( AUSTERIAN NATIONAL LIBRARY)


Waxay ku taalaa caasimada dalka AUSTERIA ee Vienna waxaana yaala 7.4 million buug ( todoba million iyo afar boqol oo kun oo buug)


MAKTABADA SAINTA MARK ( NATIONAL LIBRARY OF SAINT MARK)


Waxay ku taalaa magaalada VENICE ee waqooyiga Talyaaniga waxaana la dhisay sanadkii 1468 kii miilaadiga waxaana yaala ku dhawaad hal million oo buug.


Aduunkana magaalo kasta iyo tuulo kasta waxay leedahay maktabad wax lagu akhristo oo buugaagta laga amaanaysto lana soo celiyo, waxana sidaa loo yeelaa si ay dadku wax u akhriyaan garaadkooduna u koro dalkuna ka faa’iido cilimgaa ku dhacaya maskaxda iyo maanka muwaadiniinta.


Hadaba dadweynaha somaliland waxaan usoo jeedin lahaa inay ka qayb qaataan mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda oo ay ugu horeyso MAKTABADA QARANKA  iyo mashaariicda kale ee wadanka ka socda sida WADOOYINKA. BIYO XIDHEENADA IWM


MUWAADIN  kol hadii maanta Illaahay inagu simay xukuumad u heellan wax-qabad iyo abaabulka dadweynaha, inaguna waa inaynu fadhiga ka kacnaa oo aynu ku darsanaa XOOG iyo XOOLO labadaba


Xukuumadana waxaan usoo jeedin lahaa inay sii wado horumarinta arimaha bulshada sida WAXBARASHADA iyo SPORTS-ka oo ay dhistaa maktabado, garoomo ciyaaraha kala duwan iyo waliba beero lagu nasto oo magaalooyinka laga hirgeliyo.


 


WABILAAHI TAWFIIQ                    


QORE KHALID MAXAMED AYJEEX


TWITTER@khalidayjeex1


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment