Wednesday, June 11, 2014

Haweenay Kenyan ah Oo $170,000 Ku Bixisay Midabkeedii Madoobaa Oo ay Bedeshay

Nairobi:June,11,2014(Himilo)-Arrintii ugu Hadal-haynta Badnayn muddooyinkan Dambe ayaa Dalka Kenya waxa ka samaysay Haweenay Dalkaasi u dhalatay.

iscaddeeSaxaafadda Kenya ayaa si laxaad leh u Hadal Haysa Haweenay Kenyan ah oo Lacag Gaadhaysa $170,00Dollarka Maraykanka ku  Beddeshay Midabkeedii madoobaa,-isla-markaana isku Bedeshay Caddaan.

Haweeneydan ayaa tagtay goob la isku caddeeyo oo ku taalla London, si ay qurux dheeri ah u xesho, waxana  muddo Kooban Gudaheed lagaga Beddelay Midabkii madoobaa, iyadoo loo sameeyey midabka caddaanka oo ay calmatay.

Mar la weydiiyay haweeneydan wax yaabaha ku kalifay in lacag intaas dhan ay isku cadeyso, waxay sheegtay in ay rabtay in ay isku qurxiso isla markaana ay go’aansatay in ay soo bandhigto lacagta ku baxday quruxdaas gacan ku sameyska ah.

aar ka mid ah dadka ka soo dhiibtay aragtidooda ayaa aaminsan in tallaabada ay qaaday gabadhan ay ku saxan tahay maadama quruxda ay meeshaas ka gashay, kuwa kale ayaa sheegaya inay khasaare is gelisay oo aanay waxba faa’iidin.

Si kastaba ha ahaatee dumarka is caddeeya ayaa aad ugu badan caalamka, waxaana ka mid ah kuwa Soomaalida, balse marka la  sheegayo is caddaynta dhibaatada Badan ee somalidu ku kacdo ayaa ah mid qarsoodi ah oo aanay gabadhina ku dhiirran inay   sheegato dhallanrogga ay midabkeeda ku samaysay.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment