Munaabiddda kadib waxa la sugayaa Ciyaarta Xiisaha leh ee dhex amri doonta waddamada Brazil iyo Croatia oo ah dalal lagaga dambeeyo kubadda cagta dunida.Ciyaaraha Adduunka ayaa sanadkan waxaa hadheeyey banaanbaxyo ka socda dalka Brazil, waxana maalmihii lasoo dhaafay magaalada San Paulo ka socday Mudaharaaddo lagaga soo horjeedo Lacago xad-dhaaf ah oo xukuumaddu ku isticmaalayso Koobkan, taasina waxay warwar ku abuurtay dalka Martigelinaya iyo waddamda kale eek a qaybgelaya oo qaarkood ciyaaryahanadooda raaciyeen Ciidamo gaar ah.
Maanta ayaa sidoo kale lagu wadaa inay mudaharaad shaqo joojin ah sameeyaan qaar kamid ah shaqaalaha ka shaqeeya Garoomada diyaaradaha ee magaalada San Paulo.
MadaxweynahaBrazil_KoobkaAdduunkaMadaxweynaha Brazil Ms.Dilma Roussef ayaa sheegtay in dalkeeda uu diyaar u yahay qabashada ciyaaraha isla markaana soo dhaweenayaan kumanaanka kun ee taageerayaasha caalamka ka kala imanaya.
Khudbada Madaxweynaha Brazil oo la baahiyey saacado kahor intaan ciyaaraha bilaaban ayey ku sheegtay in ay dhageysaneyso cabashooyinka ka imanaya qaar kamid ah shacabka Brazil, balse aan cidina hoos u dhigi karin diyaar garowga weyn iyo dabaal dega ciyaaraha Adduunka oo sumacad iyo waliba maalgashi u ah dalkaasi.
Himilo Medida
No comments:
Post a Comment