Thursday, June 12, 2014

Ciidanka qaranka Oo La Wareegay Taleex, Taliyaha Guud Oo Ka Hadlay iyo Kooxdii Shirka Wadatay Oo Xalay ka Guuraysay

Taleex:June,12,2014(Himilo)-Cutubyo ka tirsan Ciidamada qaranka Somaliland ayaa Hiirtii hore ee saaka gaadhay Magaalada Taariikhiga ah ee Taleex oo ay ka socdeen shirar ka dhan ah jiritaanka Somaliland.

taltaDhaqdhaqaaqyada ciidamada qaranku sameeyeen ayaa ahaa qaar la filayey inay dhacaan, waxana Saraakiil ka tirsan xukuumadda Somaliland oo Gobolkaas ka jeedaa hore xukuumadda ugu baaqayeen in laga hortago shirk aka dhanka ah ee Dalka Gudihiisa laga Abaabulayo.

Ciidamada qaranka ee Gaadhay halkaas ayaa waxa xaqiijiyey Hoggaanka sare ee Ciidanka qaranka iyo shacabka halkaas deggen qaar ka mid ah, waxana la sheegayaa inaanay la kulmin wax iska caabin oo lagala hor tegay.

Taliyaha Guud ee ciidanka qaranka Somaliland General Ismaaciil shaqalle oo La Hadlay idaaadda BBC-da ayaa xaqiijiyey inay ciidankiisu gaadheen Magaalada Lascanod, isla-markaana si weyn  loogu soo dhaweeyey.

Waxa uu taliye Shaqalle ku sheegay tallaabada ciidanku ku qabsadeen Taleex halwgal caadi ah oo ay ku sugayaan ammaanka, isagoo intaas ku daray in ciidanku gaadheen degmo dhulkooda ka mid ah oo aanay cid kale ku duulin.

Taliyaha oo wax laga Weydiiyey in tallaabada ay qaadeen ay uga dan lahaayeen sidii ay uga Hortagi laheen shirka kooxda KHaatumo Halkaas ku qabsanaysay, ayaa sheegay in Gebi ahaanba xukuumadddu Amar ku Bixisay inaan Gudaha Somaliland lagu qaban Karin shir aanay waxba ka ogayn oo aanay taladiisa wax ku  lahayn.

Xubnihii siyaasiyiinnta Dibad-wareegga ahaa iyo salaadiintii waday qabanqaabada shirkii Halkaas  ka socday ayaa Habeenkii xalay ka Guureeyey Magaalada, walina lagama Hayo war rasmi ah oo sheegaya meesha ay joogaan.

14-Kii Bishii Afraad ee sanadkan ayey markii ugu horaysay ciidamada qaranka Somaliland qabsadeen Magaalada Taleex, waxana ay  muddo kooban kadib si Nabadgelyo ah uga soo Baxeen halkaas, iyadoo aan la sheegin sababta keentay, balse loo malaynayo inuu jiro cadaadis ka yimi dalalka Jaarku.

 

Himilo Medida

No comments:

Post a Comment