Wednesday, June 4, 2014

DAAWO: Xuska Xasuuqii Loo Geystay Shacabka Somaliland Oo Lagu Qabtay Hargeysa

Hargeysa (Himilo) Xuska maalinta loo asteeyey xasuuqii shacabka somaliland uu u geystay taliskii milatariga ahaa ee Siyaad Bare hogaaminayey ee 03 june ayaa lagu qabtay magaalada hargeysa.

Xuskan oo ay soo qaban qaabiyeen gudida baadhitaanka xasuuqa somaliland ayaa sanadkasta dalka somaliland laga xusaa. waxaana xuskan ka soo qayb galey masuuliyiin ka tirsan xukuumada, baarlamaanka iyo axsaabta iyo dadweyne kale walow aanay xuskani ka soo qayb galin madaxda sare ee golayaasha iyo axsaabta qaranka somaliland.

Xuskan ayaa ugu horeyn lagu soo bandhigay filimo taariikhi ah oo muujinaya xasuuqii loo geystay shacabka somaliland intaasi ka dibna masuuliyiintii ka soo qayb galay ayaa ka waramay ahmiyad xuska maalintani leedahay iyo baaxadii uu lahaa xasuuqii loo geystay dadka somaliland.

HALKAN KA DAAWO

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment