Ciidanka loo tababaray ka hortagga arrimaha Noocan oo kale ah ayaa soo saaray qoraal ay ku caddaynayaan inay gacanta ku dhigeen qof doonayey inuu is qarxiyo.Warka qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Alshabaab ay qorsheynayeen weeraro kale oo ay ka geystaan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayna ka hortageen ciidamada amaanka ee dalkaasi.
Dowlada Ethiopia ayaa sidoo kale sheegtay in Alshabaab ay doonayeen todobaadyo gudaheed inay qaraxyo kala duwan ka geystaan magaalada caasimada u ah dalkaasi Ethiopia ee Addis Ababa.
Warka lagu sheegin inuu qofkaasi ahaa Rag iyo Dumar, sidoo kale waxa aan la shaacin magaciisa iyo meesha uu ka soo jeeday, balse waxay ku xidhiidhiyeen kaliya ururka alshabaab.
Kooxaha Alshabaab-ka ayaa wada qorshe ay ku xanuujinayaan dhammaan waddama ciidamadooda geeyey Somalia, waxana ay dhawaan qarax ka fuliyeen Dalka Djibouti.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment