Hargeysa (Himilo) Xuska maalinta xasuuqii shacabka somaliland loo asteeyey oo ah saddexda bisha juun sanad kasta ayaa lagu qabtay magaalada hargeysa.
Xuskan oo ay soo qaban qaabisay gudida baadhista xasuuqii shacabka somaliland loo geystay ayaa lagu qabtay Adams In Hotel, waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin iyo dadweyne, balse madaxda sare ee golayaasha qaranka ayaan ka soo qayb galin xuskani.
Xuskan oo gudida baadhista xasuuqii shacabka somaliland loo geystay ayaa ugu horeyn soo bandhigay filimo taariikhi ah oo laga diyaariyey xasuuqii loo geystay dadka somaliland, intaasi ka dibna masuuliyiintii ka soo qayb gashay ayaa ka xogwaramay xanuunkii iyo baaxadii uu lahaa xasuuqaasi.
HALKAN KA DAAWO Q.1aad
HALKAN KA DAAWO Q.2aad
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment