
Ciidamto tiro badan ayaa lagu arkayaa dhammaan Goobaha Xudduudda ku teedsan, waxana si weyn loo baadhayaan dadka Rakaabka ah ee Dalka Djibouti u Gudbaya.
Dhammaanba Magaalooyinka ku teedsan Xuduudda labada Dal u dhaxaysa ayaa laga wadaa Baadhitaaanka, waxana jira Baadhitaano hoose oo ciidanku ku raadinayo dad ay si gaar ah u daba socdaan.
Dhaqdhaqaaqayada baadhitaanada ayaa si xawli ah u socda, waxana dadka rakaabka ah laga rogayaa gaadiidka ay saaran yihiin, iyadoo sidoo kale la baadhayo Gaadiidka laftooda.
Baadhtaannadan ayaa lagu wadaa inay sii socdaan, maadaama ay Djibouti qabto shaki ah in Hargeysa ay ka yimaadeen dadkii qaraxyada maleegay, waxana sidoo ay Somaliland heegan gelisay ciidankeeda Dhinaca xuduudda jooga, kuwaas oo la socda Dadka labada dal iskaga gudbaya.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment