London 14 June, 2014 (Himilo)- Xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan mudaneyaasha Baarlamanka Ingiriiska, ayaa daboolka ka qaaday jiritaanka Mooshinno xambaarsan qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland oo laga abaabulayo meelo ka mid ah dalkaas.
Xildhibaan Stephen waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey nuxurka kulan dhexmaray Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Xagla-toosiye oo socdaal ku jooga dalkaas iyo hay’adda mucaawimooyinka u qaabilsan dawladda Ingiriiska isla markaana lagaga hadlay sidii looga caawin lahaa Somaliland caqabadaha ka haysta dhinacyada adeegyada Caafimaadka.
Mr. Doughty oo xisbiga Shaqaalaha ugu jira baarlamaanka Ingiriiska, ayaa sheegay inay ka wada hadleen taageerada hay’adda Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka caalamka (DFID) ka geysan karto horumarinta dhinaca Caafimaadka Somaliland.
Xildhibaan Doughty oo waxyaabaha kulankaas lagaga hadlay ku faafiyey bogga uu ku leeyahay twitter-ka, ayaa ujeeddada kulankaas ku tilmaamay mid lagaga hadlay sidii looga taageeri lahaa Somaliland adeegyada caafimaadka.
“Waxaan ka wada hadalnay baahiyaadka caafimaad ee Somaliland iyo sida hay’adda kaalmooyinka caalamka ee Ingiriiska DFID ka qaadan karto wax ka qabashadooda,” sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Stephen oo ka jawaabay su’aal Wargeyska Himilo barta Twitter ku weydiiyey waxyaabihii lagaga hadlay kulankaas.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Sidoo kale kulanka waxa goob-joog ka ahaa wakiilo ka socday Baanka Adduunka iyo Hay’adda UNICEF, waxaana lagaga hadlay kaalinta ay ka qaadan karaan ururadda waddaniga ah.”
Xildhibaan Stephen oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha (Labour-ka) oo xubno ay isku Xisbi ka soo jeedaan hore u diyaariyeen Mooshin lagu taageerayo Somaliland, ayaa mar aanu weydiinnay wax uu kala socdo haddii ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo lagu taageeriyo qadiyadda Somaliland oo ka socda Gudaha dalka Ingiriiska, waxa uu ku jawaabay, “Golaha deegaanka magaalada Cardiff waxay wadaan mooshin lagu taageerayo madaxbanaanida Somaliland, hore waxay tan oo kale uga dhacday Sheffield,” ayuu yidhi Md Stephen.
Xildhibaankan ayaa ka mid ah mudaneyaasha qadiyadda Somaliland u ololeeya ee ka tirsan Xisbiga shaqaalaha oo mabda’ ahaan iyo siyaasad ahaanba ay ka tirsan yihiin Xildhibaannadii Aqalka Barlmaanka dalkaas ee taageersan qadiyadda Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment