Saturday, June 14, 2014

Xukuumadda Somaliland oo Dawladda Soomaaliya ku eedaysay faro-gelin qaawan oo dhaawacaysa wada-hadalka labada dhinac




“Dadkaa waxaan leeyahay waar idinkuna orodka badan ka raysta, annaguna Ciidan dirid iyo is-abaabul kale iyo tacabka ka raysanno”


                                   


Taleex, 14 June, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Baarlamaanka dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku eedaysay inay faro-gelin Siyaasadeed ka wadaan gudaha dalka Somaliland, kuwaasoo ay sheegtay inay Xildhibaanno iyo Masuuliyiin dawladdaas xilal ka haya loo soo diro khalkhal-gelinta degganaanshaha iyo midnimada Shacabka Somaliland.


cadamiWasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay inaan wakhtigan loo baahnayn faro-gelinta Siyaasadeed oo uu sheegay inay Soomaaliya ka waddo gudaha Somaliland, maaddaama oo ay socdaan wada-hadallada dhawrkii sano ee u dambeeyey u socday labada dhinac.


Wasiir Cadami waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo ay isaga iyo Masuuliyiin kale oo ka soo jeeda Bariga Somaliland ku wada-qabteen magaalada Hargeysa, kaasoo ay kaga hadleen tegista Ciidanka Qaranka ee degmada Taleex ay Khamiistii kula wareegeen. Wasiir Cadami oo ka hadlay arrimahaas waxa uu ugu horreyn hambalyo u diray Ciidamada Qaranka, waxaanu talooyin u jeediyey Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta dibed-wareegga ah ee u dhashay Somaliland, haddana dhibaatada ka dhex wada shacabka walaalaha ah sida uu hadalka u dhigay.


“Waxaan leeyahay is-dabayaacan iyo is-eryadkan faraha badan ee adduun-waynaha iyo dadka dibedduba la yaabban yahay ee dhacaya sabab kala malaha, dad mandaqadda (deegaanka) u dhashay oo aan la dafirsanayn, laakiin siyaasad kale xambaarsan oo aan ta Somaliland ahayn oo xubno ka ah Baarlamaanka Soomaaliya, oo Baarlamaanka Soomaaliya uu eedda in badan ku leeyahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland.


Wasiir Cadami oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray oo yidhi, “Haddaannu leenahay waar dadkiinna naga qabsada annaga kuwayagu idiin iman maayaane oo Baarlamaankayaga xubno ahi ma tagaan, cid kale oo xil haysaana ma tegi karto. Wada-hadal baa lagu jiraaye inta hawshu furmayso yaan wada-hadalkaas la carsha-carshaynin oo yaan saacad walba marna xubno Baarlamaan baa la soo dirayaa, marna niman kale oo Masuuliyiin ah oo xilal haya (ka haya dawladda Soomaaliya).”


“Arrintaasi waxay ku qurux badan tahay si hawshaa iyo wadahadalkaas is afgarad looga gaadho oo la sii wado in ay deris ka qaadato ku guulaysan maayaan oo dawlad baa joogta, oo ummad dalkeeda iyo dadkeeda u dhaaratay baa joogta, dabadeed hawl-yaraan looga faa’iidaysan kari maayee waxaan ku talin lahaa, wax badan oo kale ayaa iskaga keen dhex-jira oo mudgi innagaga jira oo aynu isku haynaa, nabarro badan oo hore u dhacay baa jira oo aynu hadda ka xisaabtamayaa ee yaan nabarrada la sii weynaynin, waxaan taa u jeedinayaa qolada Soomaaliya, weliba qolada Ciidanka Qaranka ee Soomaaliya Masuulka ka ah,” sidaa ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland.


Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami waxa uu sheegay inaanay waxba korodhsan Siyaasiyiinta dalka dibeddiisa ka imanaya ee deegaankaas u dhashay, balse ay maalin walba carar iyo eryasho uun soo kordhiyaan. Wasiir Cadami waxa uu soo jeediyey in go’aankooda loo daayo dadka reer Taleex oo ay tahay inay iyagu masayrkooda iyo taladooda ka tashadaan.


Waxa uu Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Md. Cadami oo arrimahaa ka hadlayaa yidhi; “Waxa meesha ka maqani waa maxay, ayaa talada deegaanka leh? Hadba nin Mastaafur ah oo u yimaadda oo markay hadhaw runi run noqotana duurka xula kala fogeyn uu sii kordhiyo mooyaane wax isu soo dhawayn ah oo uu samaynayaa ma jirto. Waxaan leeyahay weliba oo aan sheegayaa, looma dhamma. Salaaddiinta tegtay  (Shirkii Taleex) ee Kharashka la siiyey ee moodaya inay dhuumashada ku guulaysteen waa wax la ogyahay meeshay marayeen-ba. Laakiin, heerkaa weli go’aan lama gaadhin in qof xarriijin lagu sameeyo mid maqan iyo mid joogaba, go’aankaasi ma jiro, weli rejo ayaa laga qabaa in is-afgarad la gaadho.”


Wasiirka Gaashaandhiggu waxa uu sheegay inay dawladda Somaliland tijaabisay shirarkii hore ee Taleex lagu qabtay oo ay sugtay bal waxa ay soo kordhiyaan, balse keliya ay soo kordhiyeen kala qaybsanaan iyo lagu tacaddiyo Shacabka reer Taleex, waxaanu yidhi; “Dawladi waa tii dulqaad leh, kuwii (shirarkii) u horreeyey xataa waa la oggolaaday oo waxa la yidhi; ‘aan eegno noocu u eegyahay waxa ka soo baxaa’. Waa la tijaabiyey wixii ka soo baxay Kala-fogaansho ayuu mandaqaddii ku riday, Taleex Jabhado ayuu u qaybiyey.”


Wasiir Cadami oo la hadlaya Siyaasiyiinta Shirarka Somaliland ku lidka ah ka wada deegaannada Taleex waxa uu yidhi; “Kuwo aannu hadda eryanaynaa ma jiraan, kuwo Madaxooda aannu lacag ku helayno oo markaannu soo qabanno lacag nalagu siinayaa ma jiraan. Dadkaa waxaan leeyahay waar idinkuna orodka badan ka raysta, annaguna Ciidan dirid iyo is-abaabul kale iyo tacabka ka raysanno.”


“Caqligu ha shaqeeyo, dadka deegaanka leh baa masiirkooda ka talin kara, cid ay oggol yihiin mooyee cid kale oo meesha ka talin kartaana ma jirto, kuwaas ayaannu annaguna la joognaa, kuwaasaannu rayi la nahay, kuwaas baan wax wada qabnaa, kuwaasaa Masuuliyiinta dawladda ee aan joogini tegayaan, waa la sii xoojinayaa, waxaannu rabnaa Taleex inay noqoto sidaa gobollada iyo degmooyinka kale ee Somaliland noqoto oo ay is-baacsiga uga raystaan sida ay Laascaanood uga raysatay,” sidaa ayuu yidhi oo uu talo ku soo jeediyey Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.


Himilomedia.com                                


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment