Waxa ay intaas ku dartay in la isku afgartay in Dawladaas ku-meel-gaadhka ah lagu soo dhiso muddo ku siman Laba Bilood oo Kaliya.Urur-goboleedka IGAD oo dhex dhexaadinayay colaadda dalkaasi ayaa ka digay in uu xoog ku dhaqan gelin doono nabadda haddii labada dhinac ay u hoggaansami waayaan heshiiska.
Weriyayaasha ayaa sheegaya in hadalkani uu muujinayo sida ay xaaladdu ugu cakirantahay hoggaamiyeyaasha koonfurta Suudaan ee madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisii hore Riek Machar oo heshiisyo ay hore u galeen oo lagu doonayay in rabshadaha dalkaasi lagu soo afjaraa ay fashilmeen muddo saacada gudahood ah.
Heshiiskani ayaa daba socda kulan barbar socday kulanka IGAD oo ku dhex maray labada hoggaamiye magaala madaxda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Colaadda ka Aloosan dalka Koonfurta Suudaan ayaa bilaabantay dhamaadka sanadkii hore ee 2013-kii, waxana ku nafwaayey shacab aad u tiro badan oo la sheegay in xasuuq lagu laayey.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment