Shirkan ayaa waxyar ka hor markii uu bilaabmi lahaa waxa Goobta uu ka dhacayey oo ahayd Hutel Maansoor magaalada Hargeysa, waxaana soo galay koox dhallinyaro ah oo si weyn uga soo horjeeday taageerada loo muujinayo madaxweynaha, waxaanay Odayaasha fareen inay joojiyaan Hawsha ay wadaan, waxana odayaasha qaarkood ka madax adaygeen iny u hoggaansamaan Amarka Dhalllinyarada.Dhacdadan oo warbaahinta dalku Goob-joog ka ahayd, ayaa si khasab ah Halkaas looga saaray Odayaashii shirka qabsanayey, waxana uu Gacan-ka-hadal Kooban oo aan khasaare Keenini dhex maray Xubno ka tirsan Dhallinyarada iyo odayaasha oo dhinacooda ka soo horjeeday inay shirka Joojiyaan.
Dhacdadan ayaa ku soo Beegmaysa Xilli Meelo Badan oo Somaliland ah Madax-dhaqadeed kala duwan oo ku Nooli muujiyeen taageero ay u Hayaan Madaxweyne Siilaanyo, waxana jira Taageero taas Barbar socota oo meelo badan looga Muujiyey Muuse Biixi Cabdi oo hore ugu dhawaaqy inuu sharraxan Yahay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment