Sunday, June 15, 2014

Ganacsatada Soomaaliyeed Ee Magaalada Nairobi Oo Ku Hawllan Tallaabo ay Ganacsigooda Ugu Rarayaan Waddamo Kale

Nairobi:June,15,2014(Himilo)-Tiro ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee Ku Nool Kenya ayaa ku Hawllan Tallaabo ay lacagahooda iyo Maaliyadooda ugaga raranayaan Halkaas, iyagoo Sahamin ku Haya Waddamada Geeska Afrika Sida Djibouti, Rwanda iyo Uganda.

minosSomalidan ganacsiga kala duwan ku lahaan jirtey Magaalada Nairobi, gaar ahaan Islii ayaa ka niyad jabay Tallaabooyin qallafsan oo ciidanka Booliska Dalkaasi kula dhaqmeen Dadkaas.

Mid ka mid ganacsatadda Soomaalida ah oo lagu Magacaabo Xasan Aar ayaa Warbaahinta u sheegay in wadamada dariska la ah Kenya ay ka heleen dhul maalgashiga ku haboon ayna ganacisgooda u weecinayaan xiligani wadamada gobalka ku yaala.

Mid mid ah Shaqaalaha Bankiyadda Kenya oo diiday in Magaciisa Warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in maalin kasta lacag uu ku qiyaasay 260 Million lagala baxo laanta uu Bankiga uu isaga ka shaqeeyo ku leeyahay Xaafada Islii ee Magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xiisihii Nolosha Xaafadda Islii iyo sugnaanshihii oo dhan ayaa Hoos udhacay wixii ka  dambeeyey Isku dhacii  Ciidanka iyo Dadka somalida ah, waxana si weyn looga Niyad Jabay sidii xoogga ahayd ee Ciidamada Boliiska Kenya  ula macaamileen Dadka ganacsatada ah.

Xukuumadda Kenya ayaa dakhli badan ka hesha Cashuurta ganacsita ay soomaalidu ku leedahay Dalkeeda, waxana ay tallaabadani cusub ikeeni kartaa inuu hoos u dhaco Dakhliga dalkaasi oo Haatanba ay saamayn weyn ku yeelatay Dalxiiskii oo hoos u dhac muuqdaa ku dhacay.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment