Sunday, June 15, 2014

Madaxweyne Silaanyo oo caddeeyey inaanu jirin xuduud dalkiisu la wadaago Puntland




Hargeysa (Himilo)- Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa meesha ka saaray in dalkiisu xuduudo wadaagaan maamulka Puntland, isla markaana hoosta ka xariiqay in ciidanka Qaranku ilaalin doonaan xuduudaha dalkiisu la wadaago Somaaliya.


silaanyoMadaxweyne Axmed Siilanyo oo shalay qoraal ku baahiyey bartiisa Twitter ayaa ku sheegay in Somaliland leedahay xuduudo cayiman.


Qoraalka Madaxweyne Siilanyo ayaa u dhignaa, “Jamhuuriyadda Somaliland waxay leedahay xuduudo cayiman. Ciidanka qarankuna waxay ilaalin doonaan xuduudaha dalkiisu la wadaago dalka Soomaaliya,”


Qoraalka Madaxweyne Siilanyo ayaa meesha ka saaraya in xuduud Somaliland la wadaagto maamul goboleedka Puntland, isla markaana jawaab u noqonaya war shalay safiirada Maraykanka, Ingiriiska iyo wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ku sheegeen in Somaliland iyo Puntland wada xaajood ku dhameeyaan khilaafka u dhexeeya.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


No comments:

Post a Comment