Hargeysa, 15 June, 2014 (Himilo)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa si adag u cambaareyey Cambaareeyay Xadhig mar labaad Xabsiga loogu taxaabay Guddoomiyaha Wargayska Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe, oo shalay barqadii laga qabtay Maxmakadda gobolka Hargeysa oo isaga oo ku sugan maxkamadda gobolka Hargeysa.
Guddoomiyaha Wargeyska Haafut, ayaa loo taxaabay xabsiga Dhexe ee Hargeysa, ka dib markii uu waaran u jaray Garsoore Asad Nuur Cilmi oo gacanta ku haya dacwad u dhaxaysa Wargeyska iyo masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan, kaas oo bil ka hor sidan oo kale waaran Maxkamadda dhexdeeda lagaga qabtay u jaray Guddoomiyaha Haatuf iyo Tifaftiraha Wargeyska.
Warsaxaaafadeed ay soo saareen Ururka suxufiyiinta Somaliland, ayaa si adag loogu cambaareeyey tacaddiyo xukuumaddu ku hayso warbaahinta madax-bannaan, waxaanu dhignaa sidan: “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu cambaaraynayaa falka anshax xumada ah ee markii-labaad uu kula kacay garsoore Asad Nuur Cilmi Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf Yusuf Cabdi Gaboobe. Oo maanta 6/14/14 abaaro 11:40 barqonimo xabsiga ugu taxaabay gudoomiyaha wargeyska haatuf oo ku sugan xarunta maxakamada gobolka maroodi-jeex isagoo ay gudoomiyaha maxkamada gobolka maroodi-jeex Faysal dhagodhago ula socday in laga bedelo garsoorihii ay hore u dureen iyo in lamudeeyo dacwadii wargeyska iyo masuuliyinta haatuf hore loogu haystay taasi oo uu gudoomiye faysal uu hore uga ogalaaday.
Intaa ka dib gudoomiye gaboobe oo ay wehelinayaan xog-hayaha ururka SOLJA iyo laba xubnood oo kale ayaa waxa dhacay in garsoore ASAD uu ku amaray in ay qabtaan askarta maxkamada gobollka una dalbaday gaadhigii maxaabiista qaadayay .markii uu xog-hayaha SOLJA uu waydiiyay Sobobta uu marlabaad u xidhayo wuxuu ku jawaabay in xubno wasiiro ah iyo madaxtoyada iyo xeer-ilaalituba ay culays kusaareen in uu si dhakhso ah u soo xidho.
Hadaba ururka SOLJA wuxuu cod-dheer ku cambaaraynayaa falalka noocana ee loogu caga-juglayanyo xoriyatal qowlkii ee laguna wiiqayo kalsoonidii umadu ku qabtay maxkamada iyo sharaftii cadaalada dalka waxa aanu ugu baaqaynaa madaxweynaha Somaliland in uu si dagdaga usii daayo gudoomiyaha wargeyska haatuf iyo labada xarumeed ee wargeysyada Haatuf iyo Hubaal.”
Bishii hore 10-keeda ayay ahayd markii sidan oo kale guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha wargayskaasi Axmed Cali Cige oo si xor ah u tagay maxkamada ay si qaflad ah u qabteen ciidamadii bileyska ee la soo dhoobay kuwaas oo u dhaadhiciyey xabsiga Hargeysa laba habeen kadibna loo dhaadhiciyey jeelka degmada Gabiley oo ay ku jireen mudo 17 cisho, balse markii dambe Damiin ahaan looga soo dayay Xabsiga Magaaladda Gabiley. Tifafatiraha Wargeyska Axmed Cali Cigge iyo Guddoomiyaha ayaa mar ay Warbaahinta la hadleen laba Todobaad ka hor waxay sheegeen in Dacwadda loo haysto aanay ka qayb-galayn ilaa ay helaan Maxkamadda Cadaaladda ah iyo in Dacwadoodda loo maro Xeerka Saxaafadda.
Wargeyska Haatuf ayaa ilaa hadda u Xayiran warar musuq-maasuq ah oo uu ka baahiyey Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo uu wargeysku sheegay in muddadii uu xilka hayay uu ku kacay fadeexaddo Musuq-maasuq.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment