“Xuduudka Somaliland maaha Taleex, wuu ka shisheeyaa…wuxuu u soconayaa Ciidanka Qaranku Waajibkiisa oo aanu wali wada-gudan, inuu xuduudaha Somaliland hanto” – Taliyaha Qaybta 31aad ee Ciidanka Qaranka
Taleex, 15 June, 2014 (Himilo)- Saraakiisha Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan degmada Taleex ee gobolka Sool, ayaa kulamo kala duwan oo ammaanka lagu xoojinayo la qaatay Madax-dhaqameedka iyo Wax-garadka deegaankaas oo soo dhaweeyey joogitaanka Ciidanka.
Taliyaha Qaybta 31aad ee Ciidanka Qaranka Gaashaanle Dhexe Maxamed Cawaale Doolaal oo ay weheliyaan Saraakiil Ciidanka Qaranka ah, ayaa shalay xubno ka mid ah madax-dhaqameedka degmada Taleex ka guddoomiya laba Neef oo Geel ah oo ay sooryo ahaan ugu talo-galeen ciidamada Qaranka ee ku sugan duleedka magaalada Taleex.
Caaqil Cabdirashiid Cali Shire (Shiine) oo ka mid ah madax-dhaqameedka degmada Taleex, ayaa ka hadlay baahida ay shacab ahaan u qabaan ammaan iyo xasilooni ay helaan, isaga oo taliyahana ku wareejigeyey xoolaha ay sooryo ahaan ugu deeqeen Ciidanka.
Waxaannu yidhi, “Taliye waxaan halkan kugu guddoonsiinayaa laba Ratti oo hordhac oo aanu ku soo dhawaynayno idinkoo metelaya inaad dalkiinii iyo dadkiinii u timaaddeen.
Baahi-weyn ayaanu u qabnaa dhinaca Amniga, sidaas darteed, waanu soo dhawaynayaa ciidanka Qaranka.”
Gaashaanle Dhexe Maxamed Cawaale Doolaal, ayaa madax-dhaqameedka uga mahad-naqay sooryada ay ciidanka ugu yabooheen, waxaanu bulshada ku dhaqan degmada Taleex ugu baaqay inay Ciidanka kala shaqeeyaan Ammaanka deegaanka, isaga oo dhinaca kale ka hadlay hawl-gallada ay ciidanku ku joogaan deegaankaas.
“Xuduudka Somaliland maaha Taleex, wuu ka shisheeyaa oo shalayba waxaanu tagnay Xallin oo laga xukumo Taleex. Wuxuu u soconayaa Ciidanka Qaranku Waajibkiisa oo aanu wali wada-gudan, inuu xuduudaha Somaliland hanto,” sidaa waxa yidhi Taliyaha Qaybta 31aad ee Ciidanka Qaranka Gaashaanle Dhexe Maxamed Cawaale Doolaal oo shalay la kulmay madax-dhaqameedka Degmada Taleex.
Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa todobaadkii hore gaadhay magaalada qadiimiga ah ee Taleex oo shir uga socday siyaasiyiin uu hoggaaminayo Cali Khaliif Galleydh, kuwwaas oo markii dambe isaga baxsaday magaaladaas ka dib gaadhsitaanka ciidanka ee magaaladaas oo shacabka ku nool kala kulmay soo-dhawayn ballaadhan.
Kulanka saraakiisha Ciidanka Qaranku shalay la yeesheen Oday-dhaqameedka Taleex, ayaa ku soo beegmay laba maalmood ka dib markii dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay uu ku dhexmaray deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool Ciidanka Qaranka Somaliland iyo malleeshiyaad kooxda la baxday Khaatumo ee falal nabad-gelyo-darrada ah ka wada deegaannada Bariga gobolka Sool.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment