Hargeysa, 04 June, 2014 (Himilo)- Hal qof ayaa ku geeriyooday, 28 ruux oo kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo kala duwan, ka dib markii gelinkii dambe ee shalay laba Baabuur isku galeen deegaanka Uubaale ee duleedka Koonfureed ee magaalada Hargeysa meel aan Madaarka Caasimadda ka durugsanayn.
Allaah ha u naxariistee qofka geeriyooday ayaa ah Haweenay sida ay Dhakhaatiirta Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa u xaqiijiyeen Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo oo booqday Cusbitaalka, waxaanay sidoo kale Saraakiisha Caafimaadku Weriyaha u sheegeen in 28 qof oo dhaawac ah la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka, kuwaasoo ay dawayntooda ku hawlanaayeen.
Shilkan ayaa ka dhashay markii ay isku dhaceen laba Gaadhi oo noocooda lagu sheegay kuwa Dhaynayaasha loo yaqaanno gelinkii dambe ee shalay, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen kuwa Caanaha keena ee gelinka dambe ka baxa magaalada Hargeysa.
Dhakhaatiirta ayaa gacanta ku hayey hawsha la-tacaalidda Caafimaad ee dhaawacyada la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment