Hargeysa, 04 June, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxmaed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay xilka ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Aadan Axmed Warsame.
War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, oo lagu shaaciyey digreetada madaxweynaha, ayaa lagu sheegay inuu xilkii ka qaaday Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Aadan Axmed Warsame oo uu Madaxweynuhu ku eedeeyey xil-gudasho la’aan iyo hufnaan la’aan dhinaca Shaqada uu u magacaabay ah.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-2544/062014 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu wasaaradaasi u soo magacaabi doonaa wasiir Cusub insha allaa.
Ujeedo: Xil-ka Qaadis
Ku: Mudane, Aaden Axmed Warsame, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda. Mudane, Ka-dib dhibaatooyin iyo cabashooyin is daba-jooga ah iyo hufnaan la’aanta shaqo ee aad ka muujisay xilka aan kuu magacaabay. Haddaba, xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment