Dadka Ciidanku raadinayaan ayaa tiradooda lagu sheegay Saddex Dhallinyaro ah, waxana dadka shacabka ah laga Codsaday inay soo wargeliyaan Ciidanka meeshii ay ku arkaanba.Saddexda Dhallinyarada ah ayaan la sheeginn magacyadooda, waxase kalaiya la baahiyey Sawirradooda.
Ciidamada Ammaanka ayaa Baahiyey Muuqaal ay ka muuqdaan Saddex dhallinyaro ah oo la sheegay in si weyn loo raadinayo.
Muuqaal laga sii daayay Telefshinada dalka Jabuuti iyo warbaahinada kale ayaa saacadihii lasoo dhaafay aad loo baafinayay saddexdan nin, iyadoo aanay laamaha amaanka sheegin sababta loo raadinayo.
Laakiin waxaa loo maleynayaa in dhalinyaradan ay xidhiidh la leeyihiin qaraxii ismiidaaminta ee bishii hore dhamaadkeedka ka dhacay dalka Jabuuti.
Jabuuti ayaa aad u adkeysay xarumaha dowladda iyo hoteelada waaweyn, sidoo kale waxaa la xoojiyay amaanka Safaaraddaha iyo goobaha kale ee ay degan yihiin diblumaasiyiinta iyo ajaaniibta.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment